Dowladda Qatar oo ku dhawaaqay Go’aan aad uuga nixiyay Dalalka Carabta ( Wadahadal Ma Ogolin Ilaa….)

Bulsha:- Dowladda Qatar  ayaa shaaca ka qaaday ineysan wadaxaajood la geli doonin wadamada Carabta ee cunaqabateynta saaray ilaa ay go’aankaas ay dib ugu laabtaan sidaas waxaa sheegay wasiirka arimaha dibadda.

“Qatar waxaa saaran xayiraad, ma jiri doono wax wadaxaajood ah, waa iney xayiraada qaadaan kadib ayay wada hadalku bilaabanayaan,” Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sidaas ka sheegay magaaladda Doha galinkii dambe ee manta

Waxaa uu isagoo hadalkiisa sii wata yiri “Ilaa haatan ma aragno wax hormar ah oo ku saabsan in xayiraada la qaadayo, taas oo ay ku xiran yihiin in wax walba ay horey usocdaan.”

Sheikh Mohammed ayaa sheegay in Qatar aysan ilaa haatan wax dalab ah ka helin  Sacuudiga, Imaaradka iyo Baxreyn, kuwaas oo labo todobaad kahor xariirkii ujaray, arintaas ayaana wadamada khaliijka galisay xaalad aad u cakiran.

Lixda dale e Khaliijka ayay sheegtay Qatar iney xal utahay in arintan lasoo afmeero, waxaana ay wadamadaas kala yihiin Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn,  Kuwait iyo Oman.

“Wax walba oo iyagaas la xariira ma ahan mowduuca wadahadalka,, qofna xaq umalahan inuu soo faragashto arimaheena, Al Jazeera  Waa afaaraha Qatar, Siyaasadda dibadda ee Qatar waa mid gobolka ah oo gaar u ah Qatar, mana dooneyno inaan arimaheena ka wada xaajoono,” ayuu sheegay Wasiirka

Khilaafka Carabta ayaa sababay inuu istaago isku socodkii dadka halka meelaha qaar gaar ahaan dalka Qatar ay rashin yari ka dhacday, sidoo kale, waxaa ay saameyn ku yeelatay ganacsigii wadamada Gacanka Cadmeed, si kastaba khilaafkan ayaanan wax saameyn ah ku yeelan ganacsigii shidaalka ee Qatar, isagoo wali ah dalka ugu badan ee shidaalka dhoofiya
Wasiirka arimaha dibadda Qatar Sheikh Mohammed ayaa dhanka kale sheegay  “Waxaan uhaysanaa arimaha shidaalka keyd badan kuwaas oo ku tiirsan dalalka  Turkey, Kuwait iyo Oman, Iran sidoo kale waxaa ay naga saaciday arimo badan.”










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment