Dowlada Hindiya Oo Amar Ku Bixisay Mamta Kulkarni Mudo Bil Gudaheeda Lagu Soo Xiro!!

Bulsha:-  Dowlada Hindiya ayaa amar ku bixisay in mudo bil gudaheeda lagu soo xiro meel walbo oo ay joogaan atirishadii 90-maadkii Bollywood-ka caan ka ahayd Mamta Kulkarni iyo seygeeda Vicky Goswami.

Dowlada Hindiya qaybta la dagaalanto muqaadaraadka ayaa sanadkii hore gacanta ku dhigeen daroogo qiimo ahaan ku fadhiso 2000 Crore ($300M) taasi oo Koonfur Ameerika laga keenay.

Markii kiiskan la baaray waxaa la ogaaday shaqiyaadka gudaha Hindiya soo galiyeen inay ku lug leeyihiin Mamta Kulkarni iyo seygeeda Vicky Goswami oo lagu helay hada ka hor inuu daroogada ka ganacsado.

Sidaa darteed dowlada Hindiya waxay haatan amar ku bixisay in Passport-rada Mamta iyo seygeeda Vicky Goswami aqoonisga lagala laabto meel walbo oo ay joogaana lagu soo xiro mudo bil gudaheeda.

Markii ugu war dambeesay Mamta waxay xabsi guri ku ahayd magaalada Mombasa ee dalka Kenya halka seygeeda Vicky Goswami ay gacanta ku hayaan booliska aduunka ee loo yaqaan (Interpol Police).











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment