DFS oo u jawaabtay Siyaasiyiinta qeyla dhaanta kasoo saaray Hub ka dhigista ka socta Muqdisho

Bulsha:- Xukuumada Somalia ayaa ka hadashay howlgalada Hub ka dhigista ee ka socta magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xukuumada ayaa sheegtay in qiimeyn la sameeyay ay dadka shacabka ah kusoo dhaweeyen sida uu u socdo howlgalka Hub ka dhigista.

Wasiirka warfaafinta XF Yariisoow ayaa sheegay in howlgalkii xasilinta amniga ee Magaalada muqdisho uu siwanaagsan uu hada u socdo.

Wasiirka waxa uu sheegay inay jiraan dad dhaliilsan qaabka ay u socto Hub ka dhigista waxa uuna tilmaamay in dadkaasi ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.

Wasiirka waxa uu cadeeyay in DFS ay xaq u leedahay in Hub ka dhigis ay ku sameeyso dhammaan dadka hubeysan ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in dadka kasoo horjeeda Hub ka dhigista ay yihiin kuwo dano shaqsiyadeed leh, waxa uuna meesha ka saaray in lagu dhaafi doono Hubka ay heystaan.

Yariisow waxa uu intaa ku daray in dowladda aysan aqbali doonin in howlgalkaas laga soo horjeesto talaabana ay dowladdu ka qaadi doonto cid waliba oo ka hor imaada qaabka uu u socdo howlgalka.
Waxa uu soo hadalqaaday Cabashada kasoo yeereysa qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee howlgalka uu saameeyay, waxa uuna cadeeyay in DFS ay dadkaasi dhagaha ka fureysan doonto.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in muddo gaaban ay ku xasiliso Ammaanka magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Hub ka dhigista ayaa saameynta ugu badan ku yeeshay Siyaasiyiinta iyo Ciidamada dowlada ee aan la hubin diiwaan galintooda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment