Deg deg: Bartii Twitterka ee Telefishanka Aljazeera oo hawada dib loogu soo celiyey iyo shaki weyn oo…

Bulsha:- Akoonka Barta Twitterka Aljazeera qeybta Carabiga ayaa dib ugu soo laabtay hawada kadib markii loo ganaaxay cilad Network oo lagu sheegay”an organised campaign”.

Akoonkaan oo ay ku xiran yihiin 12 million followers ayaa u xayirmay sabab aan si rasmi ah loo ogeyn aruurtii hore ee Sabtida Maanta ah.

Al-Jazeera waxaa laga leeyahay dalka Qatar oo dhexda uga jirto go’doomin ay ku hayaan dowlado ka tirsan Khaliijka, kadib markii lagu eedeeyey inay xiriir la leedahay argagixisada, waxaana laga shakisan yahay in weeraradaan ku socdo Al-Jazeera ay arrintaas salka ku heyso.

Akoonka ayaa dib loo soo celiyey xilli dambe oo saakay ah oo waqtiga dalka Qatar ah.

Sababaha ugu weyn ee akoon Twttier ah loo xiri karo marka uu jabiyo sharciyada waxaa kamid ah:

1) in lasoo dhigo warbixino Spam ah

2) in la jabsado ama la waxyeeleeyo.

3) in waxyaabo xun lagu soo qoro, sida in lagu soo qoro waxyaabo lagu weerayo akoono kale oo Twitterka ah.
Ilaa hadda ma jirto sharci kamid ah sharciyadaan oo uu jabiyey akoonka Al-Jazeera, waxaana si weyn loo saadalinayaa in si ula kac ah loo xiray akoonkaan oo ay ku xiran yihiin Malaayiin qof.

Al-Jazeera ayaa leh akoono badan oo Twitter ah kuwaas oo lagu soo qoro Luuqado kala duwan, midka Carabigana waa midka ugu badan ee waxyaabaha deg deg ah lagu soo qoro.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment