Chiranjeevi Iyo Ram Charan Hadii Ay Doonaayaan Aishwarya Rai Ha U Diyaariyaan 9 Crore

Bulsha:-  Mega Star Chiranjeevi filimkiisa ugu danbeeyay wuxuu ahaa filimka guusha weyn gaaray ee Khaidi No.150 jilaagaan ayaana mar hore shaaca ka qaaday mashruuciisa xiga oo ah Uyyalawada Narasimha Reddy oo director ka noqan doono Surender Reddy.

Ka dib Baahubali-The Conclusion filim sameeyaasha koonfur hindiya ayaa doonaaya inay sameeyaan mashruucyo waa weyn hadaa qorshahooda ayaa ah in jilaayaasha bollywood-ka filimadooda kusoo daraan.

Sida aan hori idinla wadaagnay kooxda filimka Uyyalawada Narasimha Reddy ayaa doonaaya in mashruucaan weyn ay kusoo daraan atariishada caanka ah ee Aishwarya Rai Bachchan laakiin Chiranjeevi Iyo Ram Charan waa inay 9 crore u diyaariyaan Aishwarya Rai bachchan maadaama uu yahay qiimaha ay filim walbo ku samayso.
Filimka Uyyalawada Narasimha Reddy ayaa hadal heyn weyn xambaarsan waxaana lagu qarash gareyn doona lacago qaali waxaana maal gilin doona filimkaan Mega Power Star Ram Charan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment