Arag sawirro: Weerar argagixiso oo ka dhan ah Soomaalida oo ka dhacay London

Bulsha:-  Booliska Magaalada London, ayaa sheegay in tiro dad ah oo ka soo baxay Salaada Taajudka in gaari lagu jiirsiiyay meel aanan ka fogeyn masaajidkii ay ku cibaadeysanayeen oo ay ka soo baxeen.

Muslimiintani oo ay ku jiraan Soomaali dhowr ah ayaa kasoo baxay masaajidka weyn ee ku yaal wadada Seven Sisters Road ee nawaaxiga Finsbury Park, waxaana la sheegay in gaari uu dhex jiiray boqolaal dadkii masaajidka kasoo baxay.

Weerarkani gaariga loo adeegsaday ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro Soomaali ah oo xiligaa kasoo baxay Masjidka.

Guddiga Muslimiinta ee Britain ayaa sheegay in gaari si qasad ah loo jiirsiiyay dad cibaadeysanayay.

Booliiska ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku hayaa ninkii waday gaariga shilkan culus geystay.
Sidoo kale, Booliska waxa ay sheegeen inuu geeriyooday hal ruux, sidoo kalena ay dhaawac yihiin tiro dad ah oo gaaraya sideed ruux, kuwaasi oo dhamaantood ahaa dadkii ka soo baxay Masaajidka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment