Antoine Griezmann oo si qarsoodi ah u guursaday Erika Choperena

Bulsha:- Kaddib markii toddobaadkan uu heshiis  5 sanadood ah u u kordhiyay kooxdiisa Atletico Madrid, taas oo uu kula sii joogi doono illaa sanadka  2022 ayaa Antoine Griezmann waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu shalay si qarsoodi ah Erika Choperena kula aqal galay Palacio de Galiana ee waddanka Spain.

Sida ay ku warramayso saxaafadda gudaha spain iyo dibaddeedaba Griezmann iyo xaaskiisa Erika oo ay u joogto gabar yar oo 1 sano jir ah ayaa waxaa xafladdii faraanti geliska soo xaadiray qoysaska labada dhinac.

Dhinaca kale Wargeyska ‘Hola’ ee Spain ayaa isna xaqiijiyay in Griezmann uu ciyaartooy yar ku casuumay meherkiisa kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ; Juanfran, Koke iyo Gameiro.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment