Alia Bhatt Iyo Varun Dhawan Filimkooda Shiddat Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga Duubis Lagu Bilaabi Doono

Bulsha:-  Waa arin wanaagsan in lamaanaha guusha u saaxiibka ah Varun Dhawan iyo Alia Bhatt markale filim cusub wada sameyn doonaan.

Waxaana si rasmi ah shaaca looga qaaday filimka ay horey u wada saxiixdeen Shiddat xiliga duubistiisa bilaaban doonto madaama filimkaan caqabad walbo kasoo gudbay.

Director Abhishek Varman filimkiisa Shiddat  ee jaceylka iyo sheeko qiiro badan isku jiro ah waxaa horey dib u dhac ugu yimid hana qaadistiisa laakiin haatan si rasmi ah waxaa loo sheegay in horaanta sanadka dambe 2018 duubis lagu bilaabi doono.

Varun iyo Alia waxay horey u wada sameeyeen filimada hirgaleen ee guusha wacan gaareen Humpty Sharma Ki Dulhania, Student of The Year iyo Badrinath Ki Dulhania hadanna waxay isku diyaarin doonaan sameynta filimka Shiddhat.

Filimka Shiddhat qorshaha wuxuu ahaa in Varun Dhawan, Arjun Kapoor iyo Alia Bhatt wada sameeyaan balse hada Arjun ayaa filimkaan isaga baxay baxay waxaana siweyn loo hadal hayaa in Aditya Roy Kapur mashruucaan lagu soo dari doono.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment