3-da heer ee foosha

Bulsha:- Marka uu hadba soo dhawaado dhalashada ilmahaagu, waxa fiican oo gargaar leh in aad wax ka baratid 3-da heer ee foosha.

Heerka Koobaad ee Foosha.
Heerka koobaad waa bilawga foosha waxana uu socdaa ilaa afka ilmogaleenku si buuxda u furmayo taasoo ah 10 sentimitir. Kani waa heerka foosha ee ugu dheer waxana uu socon karaa 12 ilaa 17 saacadood.
Heerkan waxa loo kala qaybin karaa foosha hore, foosha firfircoon iyo kalaguurka.

1. Inta lagu jiro foosha hore, afka ilmo-galeenku waa uu furmaa taasoo ka bilaabmaysa 0 ilaa 3 sentimitir. Maroojintu ama fool-qabashadu waxay socon kartaa 30 ilaa 60 daqiiqo waxana ay dhici kartaa 5-tii ilaa 20-kii daqiiqadood kasta. Waxa laga yaabaa in dheecaan casaan ah, dhiig leh ama xab ah uu ka yimaado hoos. Waxa kale oo laga yaabaa in dhabarxanuun, lallabo iyo shuban uu yimaado.

2. Inta lagu jiro foosha firfircoon, afka ilmo-galeenku waa uu weynaadaa ilaa 7 sentimitir. Fool-qabashooyinku way sii xoogeystaan oo sii dheeraadaan, iyaga oo jiraya qiyaastii 1 daqiiqad soona noqonaya 2-dii ilaa 4-tii daqiiqadood kasta. Waxa laga yaabaa in dawada xanuunka wakhtigan lagu siiyo.

3. Inta lagu jiro kala-guurka, afka ilmo-galeenku waa uu sii weynaadaa ilaa 10 sentimitir. Fool-qabashooyinku way ka sii xoog badan yihiin waxana ay dhacaan marrar ka sii badan intii hore. Waxa laga yaabaa in cadaadis weyn laga dareemo dhabarka dambe iyo malawadka.

Waxa aad sameyn kartid:
Is dabci inta u dhexeysa fool-qabashooyinka. Isticmaal tabaha neefsashada ama isdabcinta ee aad ku baratay fasalada dhalmada ama gargaar weydiiso kalkaalisadaada. Ha riixin ilaa laguu sheego inaad sidaa sameysid.

Waxa wehelkaagu sameyn karo:
Dhiirigali oo deji. Inta lagu jiro foosha hore, ka gargaar beddelidda habka jiifka 1-kii ilaa 2-dii saacadood kasta. Sii qaybo ah baraf iyo labeenta dibnaha. Isticmaal ereyo dhiirigalin leh.
Heerka Labaad ee Foosha
Heerka labaad waxa uu bilaabmaa marka afka ilmo-galeenku si buuxda u furan yahay waxana uu socdaa ilaa ilmuhu dhalanayo, taasoo qaadata qiyaastii 1 ilaa 2 saacadood. Inta lagu jiro wakhtigan, shaqaalaha ayaa kuu sheegi doona goorta aad riixi kartid isla markaana gargaar ka geysan kara taageeridda jirkaaga marka aad dhalaysid ilmahaaga.

Waxa aad sameyn kartid:
Waxa lagugu dhiirigalin doonaa in aad riixid la sameysid foolqabasho kasta.
Waxa laga yaabaa in laguu sheego in aad si tartiib ah u riixdid ama aad joojisid riixidda marmarka qaarkood.

Waxa wehelkaagu sameyn karo:
Aabaha ilmaha dhalay waa lama huraan inuu raaco hooyada. Inta badan hooyada uula socdo ninkeedu wayka adkaysi badantahay
tan Uusan la socon lamaanaheedu.
Taageer jirkeeda inta lagu jiro dhalista. Dhiirigali oo ka gargaar tirinta inta ay riixayso.

Heerka Saddexaad ee Foosha
Heerka saddexaad waa soo-bixista mandheerta ka dib dhalmada. Kani waa heerka ugu gaaban foosha, waxana uu socdaa 15 ilaa 20 daqiiqadood.

Waxa adiga iyo wehelkaagu sameyn kartaan:
Is dejiya oo wakhtigan ku istareexa ilmaha.

Haddii aad qabtid wax su’aalo ama walaac ah, Kusoo gudbi fikirkaaga xaga hoose ama Warqad si private ah

#uurka_iyo_dhslmada










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment