XOG: Dalmar Yare Oo Fanaaniinta Cumar Shooli & Ilkacase Iyo Somali Taajir Ah Ka Dul-qaaday Xaaskiisa Cusub Ee Huda

Bulsha:- Sida shaac-baxdayba,arooskii ugu soo jiidashada iyo qurruxda badnaa ee uu dhigto fannaan Soomaaliyeed ayaa waxaa hir-geliyay Dalmar Yare oo ku nool dalka Mareykanka.

Magaciisa oo buuxa, waa Mukhtaar Maxamed Calilaakiin ku caan-baxay Dalmar Yare,waana Fannaan ay jecel yihiin shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan ay raggu aad uga helaan Heesahiisa marka loo eego dumarka,laakiin taas macnaheedu ma ahan in uusan kalsooni ka heysanin haweenka.



Dabeecad ahaan, waa Xiddig aan xanaaq badneyn,haddana kaftan badan ahna Majaajilliste xilligii uu doono ka qossol siiya bulshada.

Dalmar Yare,waxaa uu Aroos weyn u dhiggay Xaaskiisa Huda Daahir Da’ud oo ah Gabar ay muddo dheer is-jeclaayeen,halka dadka qaar ee aqoonta u lehna ay sheegeen in Arooskaan uu yahay midkii Labaad oo ay dhigtaan lamaanahan taariikhda u dhiggay Soomaalida.

Fanaaniin caan ah,sida,Farxiyo Kabayare,Maxamed Alta iyo qaar kale oo ka mid ah bahda fanka ee waqooyiga Amerika ayaa Heeso lala cajabay ka qaaday munaasabaddii arooska, Waxaa intaasi sii dheer in xiddiggahan iscalmaday loo galbiyay sida Boqortooyo oo kale.

Lakiin dad badan oo aad Akhriste adiga ku jrto ayaa si weydiinaya ujeedada ka dambeysay in dhaqaallo xad-dhaaf ah iyo si aan Soomaalida looga baran uu Aroos u dhigto Dalmar Yare.

Haddaba,marka hore  waxa ay bulsha.com ku leedahay ogow Akhriste uu jiro dagaal hoosaad weyn oo ka dhaxeeya fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan waqooyiga Amerika.

Tusaale ahaan, waxaan marmaba is arki karin, Farxiyo Kabayare vs Hodan Cabdi-raxmaan,- Dalmar Yare vs Cumar Shooli.

4-tan sababood ayuu Dalmar Yare uga dan lahaa Arooskii uu u dhigay Jaceylkiisa Huda

1-HUDA OO MASEYRTAY: Sida la ogaaday,Dalmar iyo Huda waxay isqabeen muddo xoggaa( Sanad) ah,laakiin xiriirka lamaanahan ayaa xumaaday bilihii dambe sababa la xiriira kashifaad ku yimid xiriir qarsoodi ah oo uu Dalmar la lahaa Gabar kale oo ku nool isla Mareykanka.

Dalmar Yare oo si xad-dhaaf ah u jecel Xaaskiisa ayaa go’aansaday inuu ka tanaasulo xiriirkiisii qarsoodida ahaa ee HANI, si uusan u waayin Huda Daahir,Nasiib wanaag Marwo Hudo ayaa wada-hadal dheer kadib Xaajigeeda shuruud ugu dhigtay inuu Aroos cusub ku muujiyo jaceylkiisa,Dalmar-na sidaas ayuu aqblay oo waxaa ka dhcaday HUDO ayaa ka qiimo badan LACAGTA.

2-CUMAR SHOOLI OO LAGA AARSANAYAY:Haddii aad la socoto ama aad dib u raacdo Akhriste,dagaal dhanka baraha bulshada ah oo waliba qaraar ayaa bilo kahor dhex-maray Cumar Shooli iyo Dalmar Yare.

Cumar Shooli oo muuqaal iska soo duubay isagoo DOLLAR gacanta ku haya ayaa si sarbeeb ah Dalmar Yare ugu dhaleeceeyay inuu yahay ma-shaqeyste aan awoodin inuu kula tartamo dhaqaalle.
Dhego-hadalkaasi waxuu uu si xun u dhaawacay Qalbiga Dalmar Yare oo aaminsan inuu ka magac iyo sumcad badan yahay Shooli, Dalmar ayaa jees-jees aan dhammaad la heyn kala kulmay saaxiibadiisa Fanka,sidaas darteed,ayuuna go’aan ugu gaaray inuu markiisa ka aarsado Shooli, isagoo awooddiisa dhaqaalle ku muujinaya arooska Huda.

Hadda waxaa uu xaalku ku yahay isla markaana jiifan la’ Cumar Shooli oo xifaaltan dartiis qarka u saaran inuu ka qaxo Mareyknaka.Laakiin su’aasha ayaa ah:Sidee ayuu Shooli isaga soo gudi karaa goolkan uu ku leeyahay Dalmar?

3-GANACSADE DHAAQLO HEYSTA OO JECLAADAY HUDA: Inkastoo Huda ay tahay Marwo dhowrsoon oo ammaan iyo sharaf naga mudan,haddana xaqiiqada ayaa ah in NIN lagu magacaabo Xassan Abdi oo ah ganacsade Soomaaliyeed uu si waali ah u jeclaaday Marwadan.

Huda ayaa xitaa si walbo ula hadashay Ganacsadan barkada Dollar-ka,iyadoo ugu digtay inuu wax ka baddelo dhaqankiisa isla markaana ay tahay Marwo leh Sey ay jeceshahay.

Si waliba,Ganacsade Xassan ayaa dhaqan ka dhigtay inuu dhaqaalle ku soo jiito qoyska Huda,waxayna wararku sheegayaan in reerkeeda uusan kala baqiillin lacagta,laakiin nasiib xumo,reerka aqoonba uma lahan ninkan,waxayna sidookale dhowr mar ku celiyaan lacago uu soo dhiggay mid ka mid ah xawaaladaha Soomaalida.

Dalmar oo dareemaya culeyska ka soo fuulay Xassan ayaa go’aansaday in markiisa uu sidii uu doono u bixiyo lacagta, si uu jawaab cad u siiyo ganacsadahan caanka ka ah Dubai.

4- FANAAN ILKOCASE OO HOREY XIRIIR ULA YEESHAY HUDA. Xogtan ma ahan mid ay xitaa ka war-qabaan qoyska Ilkacase iyo Huda,laakiin waxaa og Dalmar Yare,waana sababta uu u xun yahay xiriirka labadan Fanaan.

Dagaal dhanka Huda ah ayaa sanado u dhaxeeyay Ilkacase iyo Dalmar,balse ugu dambeyntii waxay guusha raacday Dalmar Yare oo ay dhankiisa soo martay Gabadhan,maadama Huda ay si dhab ah u jecleyd Dalmar laakiin uu madadaallo ahaa xiriirkii ay la laheyd Ilkacase.Dagaalkan labadn Fanaan ayaa xitaa gaaray in la’isku afgalaadeeyo heesaha.

Hambalyo Dalmar iyo Huda,Jaceyl aan dhammaad la heyn iyo awlaad baarri ah ayaan Eebbe idiin kaga rajeynay.Waxaad muujiseen in Jaceylkiina uu ka awood badan yahay,Cumar Shoolli iyo Gancasade Xassan, Doollar barkade.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment