Xaaskaaga Oo Uur kuu leh sidaan ma u gali lahayd -Sheeko xanuun leh

Bulsha:- Waxaan Go`aansaday inaan idiin dulmaro arin igu dhacday mudo kahor ilaa hadana ihaysata , aad ayaan run ahaantii ugu wareeray , waxaana rabaa inaan idiin sheego si aad iiga siisaan talo walalayaal.

Kadib markaan guursaday Nin , aan u malaynayay inaan cimrigayga inta iiga dhiman la wadaagi doono farxad & rayn rayn laakiin waxaa kala kulmay dhibaato kala duwan .

Waxaan ahayn Qoys raadiya in ay helaan caruur waliba dadaal dheer u gali jiray sidii ay ku heli lahaayeen caruurtaas , 4sano kadib ayaan waxaan yeeshay uur.

Intii aan la noolaa ninkaan waxaan ogaa inuu ahaa nin aniga qiyaano igu wada , waxaan marar badan kala hadlay qiyaanada uu igu wado inuu joojiyo , run ahaantii wuuna inkiri jiray inuu yahay nin qiyaano igu wada , waana iska dayn jiray waliba xiligii aan uurka lahaa .

Maalin ayaa waxaa xaafada nagusoo Booqday dhalinyaro badan oo ay ku jirto gabar uu yaraantiisii jeclaa waliba waxaan u fahmay in dhalinyaradaan ay ahaayeen kuwo wato qorshe ay labadaan qof ku kulmayaan , maalintaas si aad ah ayaan uga xumaaday waana kala hadlay wuxuuna ii sheegay inuu aniga kaliya Ijecelyahay.

Waxaan Go`aansaday inaan la joogo sababtoo ah waxaan lahaa uur , waxaadna dareemi kartaa naag uur leh oo gurigeeda dhibaato qabsato , waxaana sidoo kale go`aansaday inaan dulqaato inta aan kadhalayo .


Hada waan dhalay alxamdulillah , cunigaygana wuu caafimaadqabaa , aniga iyo aabaha dhalay cuniga dhamaanteen waan jecelnahay cunigeena waana ku faraxsanahay noloshiisa , lakiin xiriirka naga dhexeeya aniga iyo ninkayga maahan xiriir shaqayn kara , mana iloobi karo waxa uu igu sameeyay waliba xili aan dhibanaa , wuxuu lumiyay aaminaadaydii & waliba jaceylkii an u qaaday , waxaana rabaa inaan iska furo .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment