Waxyaabaha Keena Dhabar Xanuunka iyo side loo daweeya

Bulsha:- Dhabar xanuunku ma ahan jirro ama xanuun ee waa astaan ay yeelan karaan xannuuno badan oo kala gadisan. Caadi ahaan dhabar xanuunku wuxuu tilmaamayaa dhibaato ka jirta seedaha, muruqaha, dareemaysha iyo lafaha sameeya laf dhabarka, 

sidoo kale waxay caalaamad u tahay mararka qaar xanuun ku dhaca xubnaha sida kilyaha ama sambabaha iyo xubnaha u dhowba.
Qeybta hoose ee dhabarka waa meesha ugu badan ee dadka qaba dhabar xanuun ay ka sheegtaan, dhabarka waxa uu ka koobanyahay murqo, seedo, xidido, lafo iyo neerfo.


hadii qaybaha uu ka koobanyahay dhabarku soo gaarto ama lasoo daristo xaalad caafimaad waxaa imaanaya xanuun. inbadan oo kamid ah bulshada ayaa ka cawda xaaladdaan, walow uu ku badanyahay dadka shaqeeya xiliyada ama waqtiga faraha badan, waxaana loo aanayn karaa fadhiga tirada badan ama fadhi la’aan waqti dheer ah.

Maxaa Sababa Dhabar Xanuunka?
Fadhiga dheer. Fadhiga dheer waxaa uu keenaaa in uu qofka muddo ka dib inay murqaha ay fuulaan culeys faro badan taasoo keenta murqo xanuun iyo iney togmaan murqaha jirka waxaana looga hortagi karaa inuu qofka uu joogteeyo jirdhiska sida inuu socdo.
Dhaqdhaqaaq yari. Dhaqdhaqaaq yarida waxay keentaa ama uusan qofka inuusan dhaqdhaqaaq badan uusan sameyn waxay sababi kartaa iney jilcaan qofka murqihiisa waxaana looga hortahi karaa inuu qofka sameeyo sida dabaasha iyo socodka.

Miisaanka tirada badan . miisaanka tirade badan ama cayilka xad dhaafka waxuu keenaa iney qofka murqihiisa ay xirmaan sid guud ahaan tassoo sidoo kale waxay keentaa inuu qofka uu dareemo xanuuno , sidaas daraadeed waxaa laga maarmaan ah in uu qofka dhimo miisaankiisa.

Walwalka nafsadda. ama walbahaarka. Walwalka iyo walbahaarka badan waxay keenaan xanuun badan oo jirka ah taasoo sababto iney qofka murqihiisa iyo jirkiisaba ay togmaan waxaana looga hortagi karaa inuu qofka inuu nasto sida inuu qubeysto oo meel leery leh uu seexdo.

Qaadista waxyaabaha culus. Qaadista wax yaabaha culus waxay ka turjumaan ama ay ka dhiganyihiin iney dhibaato ku abuuraan murha jirka oo daciifka ah ku waas aan ubaran iney wax culus qaadaan sidoo kale qaadista waxyaabaha culus waxy keenaan inuu qofka uu dareemo dhabar xanuun badan.

Sidaas daraateed waxaa dadka lagula taliyaa ineysan dhabarka aysan ku qaadan boorsooyinka waaweyn oo ay ku qaataan gacmaha si loo ilaaliyo caafimaadka qofka , iyo inuu dheelistir ku ameeyo waxyaabaha uu qaadayo .











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment