Wax Walbo Aad Ugu Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Super Star Suriya Filimkiisa Xiga Ee Thaanaa Serndha Koottam’

Bulsha:-  Kollywood Super Star Suriya filimkiisa xiga waa Thaanaa Serndha Koottam oo gabo gabo ku dhow duubistiisa jilaagaan ayaana fasax qaatay asigoo waqti la qaadanaayo qoyskiisa.

Suriya xaaskiisa Jyothika wiilkiisa Dev iyo gabadhiisa Diya, ayaa u fasax qaatay qaarada Europe asigoo ka nasanaayo duubista filimkaan ka dib wuxuu u noqan doona Chennai asigoo dhameestiri doona duubista filimka.

Filimkaan ayaana la sheegay inuu yahay filim shactiro ah waxaan director ka Vignesh Shivan waana markoodi ugu horeysay ee wada shaqeeyaan labadaan waxaana filimkaan atariisho ka ah Keerthy Suresh halka door muhiim ah ka leeyihiim jilaayaasha Sendhil, Ramya Krishnan, RJ Balaji Iyo Sathyan

Dhinaca kale filimkaan waxaa la sheegay in sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Special 26 ee Akshey Kumar hogaamiye ka ahaa laakiin kooxda filimka ayaan si rasmi ah u shaacinin arintaan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment