Wararkii ugu Dambeeyay Doorashada Madaxwaynaha Galmudug, Maxaad ka Taqaan Sadexda Musharix ? (Warbixin)

Bulsha:- Magaalada  Cadaado ayaa ka socota Diyaar Garowgii ugu dameeyay ee Doorashada Madaxwaynaha Galmudug, Waxaana Xiligan ka socda Olole xoogan oo u dhexeeya musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.

Dadku labo labo ayeey wax isu weydiinayaan sida loo kala horeeyo Saadaasha, xogaha hoose, dadka kulmaya iyo dhaq dhaqaaqa xildhibaanada iyo musharixiinta.

Hadaba Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug u taagan Maxay  kala yihiin ?

1-Axmed Ducaale Geelle Xeef : Waa ganacsade aad looga yaqaano goboladan, waxaa uu soo noqday xildhibaan baarlamaan dowladdihii kala danbeeyay ee Soomaaliya soomaray sanadihii (2000 ilaa 2017), doorashadii daddbaneyd ee 51xubnood ay xildhibaanka dooranayeen, Xeef waa isi soo sharaxay laakiin waa uu waayey.

Inkasta oo siweyn saameyn ugu leeyahay ganacsiga , hadana Xeef waa markii ugu horeysay ee uu isu soo sharaxo Madaxweynaha Galmudug.

2- Prof Cabdiqaadir Maxamed Shirwac: Waa Aqoonyahan soo noqday bare jaamacadeed , waxaa uu bare kasoo noqday Jaamacada Lafoole, burburkii dalka kadib waxaa uu ka mid ahaa asaasayaashii Galmudug, Gaalkacayo waxaa uu ka hirgeliyey Jaamacada GU oo ay wax ku bartaan ardey kasoo kala jeeda labada qaybood ee magaalada koonfur iyo waqooyi.

Hore siyaasada shaqo uguma laheyn, marna hore isuguma soo sharaxin xilka Madaxweynaha Galmudug.

3- Axmed Shariif Cali Hilowle: Waa aqoonyahan waana kan ugu dhalinyar saddexda musharax, hore waxaa uu isugu sharaxay Madaxweynaha Galmudug 2008-dii , doorashadii kala qaybisay baarlamaankii xiligaasi ee Galmudug, markii danbe ee uu Maxamed Axmed Caalin uu Madaxweyne noqday, waxaa uu Axmed Shariif u wareegay Muqdisho halkaasi oo laga dhigay maareeye ku xigeenka Dekadda Muqdisho.
Saddexda musharax waxay haatan ku jiraan saacadihii ugu danbeeyay ee ololahooda doorasho, waxaana kala saari doona Baarlamaanka oo ka kooban 89xildhibaan oo 7-ka mid ah dumaryihiin. Doorashada Madaxweynaha Galmudug waxay dib u dhacday dhowr jeer , oo mararka qaar ay sabab u ahayd arrimo farsamo iyo rajo heshiis lala galo Ahlu Sunna, sikastaba ugu danbeyn waa laga fursan waayey in doorashada la qabto, wixii kalena dib loo dhigto.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment