War cusub :- Dumarka aan la guursan Oo sharci adag la dul dhigay

Bulsha:- Sacuudiga waxaa uu kamid yahay wadamada ugu sharciga adag Adduunka taasna waa wax lagu amaanayo marka loo eego ku dhaqmida sharciga Islaamka.

Boqortooyada sacuudiga ayaa horay u soo jeedisay Awaamiro ka dhan Ah haweenka dalkooda kana mid tahay ineysan gaari kaxeyn karin.

Dowlada waxaa ay hada soo saartay sharci ah in gabdhaha aan la guursan ineysan gali karin marnaba maqaaxiyooyinka laga cunteeyo ee dalkaas,waxaa qortay Dailymail.

Tani ayey dowlada sabab ugu dhigeysaa marka ay galaan gabdhuhu maqaayadaha iney shukaansi ku sameeyaan maadaama aysan heleynin meelo kale oo ay kula haasawaan raga,waxaa ay aheyd fursad u banaaneyd oo aysan Dowladu ku baraarugsaneyn laakiin hada Albaabada ayaa loolaabay.

Marka laga soo tago shukaansiga waxaa ay dowlada ka baqeysaa in gabdhuhu ay ku isticmaalaan halkaas telifoonada ,sidoo kalana ku cabaan sigaarka.

Sidaa daradeed maqaayadaha dalka Sacudiga waa laga ganaaxay iney galaan gabdhaha doobka ah.

Durba Arinkan ayaa dhaqan galay kadib markii milkiilayaasha maqaayadaha ay Albaabada ka xerteen kuna yiraahdeen,haween looma ogola.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment