Sushmita Sen Ka Dib Atariishadaan Bollywood-ka Ka Tirsan Oo Go’aan Ku Gaartay Inay Korsato Ilmo Aysan Dhalin

Bulsha:- Actress Manisha Koirala waxay ka mid aheyd atariishooyinka loogu jeclaa 90-kii waxayna sameysay filimaan badan oo amaan weyn ku heshay sida Bombay, Akele Hum Akele Tum, Khamoshi: The Musical, Dil Se… Iyo Lajja.

Manisha ayaana sanadahaan danbe la tacaalaysay cudurka dilaaga ah ee Kansarka (Canser) oo ugu danbeyn laga daaweeyay atariishadaan ayaan sanooyin ka dib kusoo laaban doonta shaashada iyadoo wax ka jili doonto filimka nolasha Sanjay Dutt looga hadlaayo.

Manisha Koirala ayaana go’aan ku gaartay in ay korsato ilmo aysan dhalin atariisadaan ayaana cadeysay arintaan ” haa waxaad maqasheen waa sax waxaan doonaaya inaan ilmo kasoo qaato xirada agoonta lagu xanaaneeyo waxaana doonaayo inaan gabbar halkaas kasoo qaato oo aan hooyo u noqdo”.

Waxaan ku guda jiraa arintaas wax walbana si wanaagsan ayay u socdaan waxaana jeclahay inay arintaan ii dhamaado dhamaadka sanadkaan.
Atariishada ugu horeysay ee ilmo aysan dhalin korsatay waa sushmita Sen oo xirada agoonta kasoo qaadatay Renee Iyo Alisah, dhinaca shaqada Manisha sanadkaan waxay kasoo muuqan doonta filimka Dear Maya Iyo filimka looga hadlaayo nolasha Sanjay Dutt.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment