Sonam Kapoor: Waxaan Markaan Rajeyna In R. Balke Dhamaan Aflaamtisa Uu Qeyb Iga Siin Doono!!

Bulsha:-  Filimsameye R.Balke waxaa inta badan lagu yaqaana in aflaamtisa uu qeyb ka siiyo Mega Star Amitabh Bachchan qeybtaas ha ahaato door marti ah ama door hogaan ahba balse Sonam Kapoor oo dhowaan kasoo muuqan doonto filim sameyahan filimkiisa Padman ayaa sido kale aflaamtiisa oodhan kasoo muuqan doonto.

Sonam ayaa aad ugu faraxsan ka shaqeynta filimka Padman kaaso uu hogaamiye ka yahay Akshay Kumar.

Sonam waxay tiri ayadoo kahadleysa filimsameyahan,” R.Balke waa filimsameyaha kaliya kaaso side ila tahay aan xiriir qoto dheer oo weyn aan la leeyahay, waxaana markaan rajeyna in dhamaan aflaamtisa aan muqaalo ku yeelan doono wixii markaan ka dambeya.”

sido kale ayadoo sii wadata hadalka waxay tiri,” waa filimsameye cajiib ah sido kalena shaqi hal abuur leh marwalbana jecel in uu aflaamtisa oraah ku reebo oo hal abuur fiican la yimaado.

qofka sidaas ahna sidee ila tahay aflaamtisa guulo ayee gaaran lashaqeyntiisana waa mid kufaraxgalineyso.”












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment