Sidharth Malhotra, Jacqueline Fernandez Iyo Rajkummar Rao Oo Bang Bang 2 Wada Jili Doonaan

Bulsha:- Waxaa si hordhac ah loo sheegay in sedexda jilaa ee aan kala dhicin Sidharth Malhotra, Jacqueline Fernandez iyo Rajkummar Rao ay sameyn doonaan filimka Bang Bang 2.                                                                                                                                         Filimkan Bang Bang qaybtiisa kowaad waxaa sanadii 2014 wada jileen Hrithik Roshan iyo Katrina Kaif wuxuuna gaaray guul wacan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.                                                                                                                                           Hadaba shirkada Fox Star Studio oo filimkan iska leh ayaa ka dhawaajisay in qayb labaad ka sameyn doono laakiin Hrithik Roshan iyo Katrina Kaif ayaa iska diideen inay hogaamiye ka noqdaan.                                                                                                                 Sidaa darteed Sidharth Malhotra iyo Jacqueline Fernandez ayaa aqbaleyn sameynta Bang Bang 2 oo ah filim Action iyo jeceyl isku jiro.                                                               Sidoo kale qorshaha wuxuu ahaa in Shahid Kapoor filimkan laadar looga dhigo balse Shahid ayaa ku gacan seeray waxaana haatan la xaqiijiyay in Rajkummar Rao uu laadar ku matali doono Bang Bang 2.                                                                                          llllllBang Bang 2 waxaa Director ka noqon doonaa Raj Nidimoru iyo Krishna DK wuxuuna qorshaha yahay in dhawaan si rasmi ah mashruucaan loogu dhawaaqo ayadoo duubis lagu bilaabi doono qaybaha dambe ee sanadkan 2016.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment