Shruti Haasan Oo Sharaxaad Ka Bixisay Sababtii Miisaan Dheeri Ah Jirkeeda Ugu Dartay

Bulsha:- Quruxleyda Koonfur Hindiya Shruti Haasan ayaa la arkayay dhawaanahan ayadoo yara cayishay sidoo kalena jirkeeda miisaankeeda ayaa sare u batay.

Hadaba Shruti Haasan ayaa sheegtay in cayilkeeda micno xambaarsan yahay sidoo kalena ay ku jileyso door ahan mid ka mid ah filimadeeda dhawaan la daawan doono.

Shruti Haasan waxay tiri “Atirishooyinka inta badan miisaanka ayay iska dhimaan si ay filimada u jilaan laakiin aniga miisaankeyga sare ayan u qaaday”

“Sababta waxay tahay in filimkeyga dhawaan la daawan doono Behen Hogi Teri ayaan ku jilaayo gabbar cayilan”

“Siweyn ayaan ugu farxay in doorkeyga Binny Arora ee filimka Behen Hogi Teri qof walbo ka helay markii goos gooska lasoo bandhigay”

Filimka Behen Hogi Teri Shruti Haasan waxaa la jilaayo Rajkumar Rao waxaana la daawan doonaa 2 June 2017 waana filim shactiro iyo jaceyl isku jiro ah.
Shabakada Filimside oo horey usoo bandhigtay goos gooska Behen Hogi Teri markale hoos ayay kuugu soo daabacday ee ka daawo:











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment