SHEEKO YAABLEH!!!!! (Aqriso Adiga ayaa qosli doonee)

Bulsha:- Nin aanu wada shaqayn jirnay oo xaas leh ayaa gabdhaha kale telefoonadooda markuu save-garaynayo wuxuu magacyo uga dhigi jiray magacyada hay’adaha si aanay xaaskiisuu fahmin marka ay telefoonkiisa baadh baadhayso.

Telefoonkiisa hadaad eegto waxaa ku jira magacyada hay’adaha dalka jooga oo dhan UNDP, WFP, UNICEF, SAVE THE CHILDREN, IOM, DRC, DDG, HALO TRUST, UNHCR. Wuxuu ku leeyahay maanta dhan haday isoo wacayaan xaaskaygu ma shakido oo waxay moodaa qolooyinkii wada shaqayntu naga dhexeysay.

Mararka qaarkood iyadoo gacanta ku haysa ayuu soo dhacaa markaasay ula soo carartaa isagoo labisanaya oo tidhaahdaa “xabiibi IOM baa ku soo garaacday.” Markaasuu yidhaahdaa keen keen xabiibi waaba iyaga qolada aan caawa shirka kula leeyahay Maansoor Hotel.

” IOM wuxuu u bixin jiray dumarka qurbaha ka yimid.Gabdhaha dabeecadda xun wuxuu u bixin jiray HALO TRUST (hay’adda miinadda). Hablaha yar yar ee suuqa ku cusubna wuxuu u bixin jiray Save the Children.

Waxaan weydiiyey oo tan aad WFP u bixisay maxaad ugu bixisay? Wuxuu yidhi habeen baan Safari Hotel u casho geeyey markaasay dalbatay laba digaag ah iyo baastadoodii oo jibisna la socoto. Intii cashada la soo wadayna waxay isku dhuuqday maraq cashada laga soo horaysiiyey iyo afar midh oo roodhi ah oo kuus kuusan. Markaasay markii cashada la soo dhigayna tidhi “Alla hoogay soo aniga is ilaaway, huuno maad i qabatid maraqa waan necebahaye.

” Wuxuu yidhi habeenka aan raboinaan WFP aroos u raaco ama ay Save the Children house party igu soo casuunto, xaaskayga aroornimada ayaan ku idhaahdaa xabiibi maanta safar shaqo (field) ayaan Save the Children u raacayaa ee cashada ha iigu tala galin waan soo daahayaaye. Ama waxaan odhan jiray WFP raashin ay qaybinayso ayaan kormeer ku soo samaynayaa ee caawa ha i sugine iska seexo. KkkkkKkkkkkkk











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment