Shahid Kapoor Xaaskiisa Mira Rajput Oo Qalad Gashay Iyo Ilaalada Wadooyinka Oo Qabsadeen Markii Ay Sharciga Jebisay

Bulsha:- Mira Rajput waa gabbar caan ah waxayna u dhaxdaa atooraha Bollywood-ka ka tirsan Shahid Kapoor ayadoo u heyso gabbar lagu magacaabo Misha Kapoor oo haatan 9-bilood jirto.

Hadaba Mira Rajput ayaa qalad gashay ayadoo wadada mareyso waxaana qabteen ciidamada ilaalada wadooyinka qaabilsan kadib markii ay sharciga wadooyinka lagu maro jebisay.

Mira Rajput seygeeda Shahid Kapoor lama joogo wuxuu ku maqan yahay gobol kale asigoo duubista filimka Padmavati ku mashquulsan.

Sidaa darteed Mira banaanka ayay usoo baxday waxay qado usoo aaday maqaayada Kitchen Garden ee xaafada Bandra isla Mumbai ka tirsan.

Mira markii ay maqaayada kasoo baxday waxaa qabsadeen ciidamada ilaalada wadooyinka madaama ay sharciga jebisay sidoo kalena gaarigeeda ay meel qaldan dhigatay ama ku Parking gareesay.
Qof walbo oo sharciga jebiyo sidoo kalena gaarigiisa dhigo meel aan Parking ahayd wuxuu ku qasban yahay inuu bixiyo ganaax Rs 2,000 ($30.30).

Mira ayaa bixisay ganaaxii lacageed ee warqada ku qornaa ee loo jaray sidoo kalena raali galin ayay siisay ciidamada ilaalada wadooyinka magaalada Mumbai qaabilsan.

Mid ka mid ah ciidanka ilaalada gaadiidka iyo wadooyinka qabilsan oo aan magaciisa saxaafada la wadaagin wuxuu yiri “Inta badan jilaayaasha caanka ah xaasaskooda hadii ay qalad wadooyinka ku galaan wey cararaan ama amar diido ayay sameeyaan laakiin Mira Rajput waa qof wanaagsan oo aqbashay qaladkeedii sidoo kalena ganaxii lagu amray bixisay mana loo maleeyo inuu jilaa caan ah qabo waayo hab dhaqankeeda waa qof wanaagsan oo aan isla weyneyn”











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment