SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo si diiran loogu soo dhoweeyay Addis Ababa


Bulsha:-  Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo waft uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya, waxaana garoonka diyaaraddaha Bolle kusoo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo madax kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa loo garaacay astaanka calanka Soomaaliya, waxaana garoonka lagu sharxay calamada labada dal, iyadoo kooxda hidaha iyo dhaqanka Itoobiya ay ciyaar kusoo dhoweeyeen Farmaajo.Booqashada madaxweyne Farmaajo oo ku timid casuumaad uu ka helay madaxda dalkaasi ayaa waxay qaadan doontaa mudo labo cisho, isagoo la kulmi doono inta uu joogo madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome Wirtu iyo Ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn.

Xiriirka labada dal oo booqashadii Farmaajo kadib aan wanaagsaneyn ayaa waxay booqashadaani noqon doontaa mid baal cusub u furta xiriirka labada dowladood.Itoobiya ayaa loo arkayay in aysan ku qanacsaneyn doorashadiisa madaxweyne Farmaajo, si gaar ahna u taageersaneyd musharaxiin kale oo uu ka mid ahaa madaxweynihii Xasan Sheekh Maxamuud.
Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa booqashadaani ay u noqoneysaa tii ugu horeysay ee uu ku ago Itoobiya isagoo madaxweyne ah, wuxuuna xiligii uu ahaa ra’iisul wasaaraha uu booqday bishii December ee sanadkii 2010.

Sidoo kale, waxay booqashadaani noqoneysaa tii lixaad ee uu dalka dibadiisa ugu ambabaxo tan iyo markii la doorat.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment