SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo booqday barakacayaal una qeybiyay baco

Bulsha:- Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka hor inta uusan u ambabixin dalka Itoobiya wuxuu lugta mariyay xerada barakacayaasha ay ku jiraan ee Siyadka oo loo yaqaan Beerta Daraawiishta.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha kormeer ku tegay xerada barakacayaasha beerta daraawiishta si uu u hubiyo xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin barakacayaasha.Madaxweynaha ayaa ayaa isagoo tixgalinaya xilli roobaadka la guda galay wuxuu u qaybiyay barakacayaashaasi ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda ee aan haysan hoyga bacaha roobka laga galo iyo bustayaal, taasi oo ay si aad ah ugu diirsadeen.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo barnaamijkeeda koowaad uu yahay ka shaqaynta danta dalka iyo dadka, taasi uu ficil ahaan u muujiyay.  











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment