Sababaha golaha wasiirada xilka uga qaadeen hanti dhowrka guud: AKHRISO

Bulsha:- Kullan deg deg ah oo golaha wasiirada xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa xilkii looga qaaday hanti dhowrka guud ee qaran Dr. Nuur Faarax Jimcaale, kadib dhacdadii ay ilaaladiisa habeen hore u geysteen falk dilka wasiirkii howlaha guud Cabaas C/llaahi Siraaji.

Guddi loo xil saaray baaritaanka qaabka dilka uu u dhacay ayaa codsaday in xasaanada laga qaado hanti dhowrka guud si tallaabo looga qaado, taasoo keentay in golaha wasiirada isku raaceen xil ka qaadis lagu sameeyay Nuur Faarax Jimcaale.

Qodobadda loo cuskaday xil ka qaadista hanti dhowrka ayaa waxay kala yihiin:

1- Inuu ka been sheegay sidii ay wax u dhaceen, iyadoo meesha ay dhacday xabbad kaliya oo lagu dilay wasiirka [Hanti dhowraha wuxuu sheegay in rasaas ay is-weydaarsadeen laba ciidan].

2-In qoriga dilka wasiirka lagu geystay uu ahaa mid aan sharciyeysneyn, qorigii uu lahaana uu cid kale u dhiibtay.

3- Inuusan u gurman wasiirka ay ilaaladiisu dishay, kadib markii uu ogaaday in wasiirku ahaa ciddii ay ilaaladisu dishayna, uu goobtii isaga dhaqaaqay isagoo wata gaarigii falka geystay.

4- Inuu ka hor dhacay falka lagu dilay wasiirka isagoo warbaahinta VOA ka sheegay arrimo aanay waxba ka jirin oo ku saaban falka dilka ahaa ee ay ilaaladiisu geysatay.

5 – Guddiga Baaritaanka kiiska ku dhex jira oo dalbaday in xasaanadda laga qaado si ay tallaabo uga qaadaan, su’aalana loo weydiiyo.









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment