Rasmi: Lamaanaha Ugu Caansan Telugu Ee Samantha Iyo Naga Chaitanya Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga Uu Guurkooda Dhici Doono

Bulsha:- lamaanaha shirkada Tollywood iska dhax doorteen ee Samantha Rubh Prabhu Iyo Naga Chaitanya ayaa lagu wadaa in sanadkaan guurkooda uu dhaci doono.

Atariishada quruxda badan Samanth iyo jilaaga Telugu lawada jacel yahay ee Naga Chaitanya ayaa faraanti isku galiya 29-kii janaayo ee sanadkaan bilawgiisa waana lamaanaha ugu caansan Telugu oo jaceylkooda banaanka keenay.

Haddana waxaa shaaca laga qaaday in labadaan lamaane uu guurkooda dhici doono sanadkaan gaar ahaan bisha October waxaaana warbaxintaa shaaca ka qaaday Samanth jaceylkeeda Naga Chaitanya.  labadaan lamaane ayaan aroos weyn looga dhici magaalada Hyderabad.

Dhinaca kale Naga Chaitanya waxaa u diyaarsan filimka goos gooskiisa laga wada helay ee Rarandoi Veduka Chuddam oo director ka yahay Kalyan Krishna halka maal giliye uu ka yahay aabahiis  Nagarjuna waxaana atariisho ka ah Rakul Preet Singh waxaa filimkaan la daawan 26 May oo ku beegan maalinta jimcaha.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment