Ranveer Singh Heeskiisa Nashe Si Chadh Gayi Oo Noqotay Heeska Loogu Daawasho Badan Yahay Ee Hindiya Sameeyeen

Bulsha:- Ranveer Singh iyo Vaani Kapoor heeskoosa Nashe Si Chadh Gayi ee filimka Befikre ku jirto ayaa si rasmi ah u noqotay heeska loogu daawasho badan yahay barta Youtube-ka oo ay Hindiya sameeyeen ebid.

Qoraal rasmi ah oo shirkada Yash Raj Films kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Nashe Si Chadh Gayi ay noqotay heeska loogu daawasho badan yahay ee ebid Hindiya sameeyeen waxayna noqotay heeska 1-aad ee barta Youtube-ka loogu daawasho badan dhamaan heesaha Bollywood-ka iyada ayaa kaalinta kowaad kala wareegtay.

Maalintii kowaad markii heeska Nashe Si Chadh Gayi lasoo bandhigay mudo 24-saac ayay ku noqotay heeska Hindiga loogu daawasho badnaa, haatana mudo 6-bilood kadib 234-milyan oo qof ayaa barta Youtube-ka ka daawatay, sidoo kalena waxay noqotay heeska ugu dhaqsiyaha badan ee Hindi sameeyeen oo 200-milyan Youtube ka daawatay!

Fadlan aqriste hoos kaga bogo 15-ka hees ee loogu daawasho badan yahay barta Youtube-ka oo ay ebid Hindiya sameeyeen:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment