Ragga guursaday ee macaanka iyo raaxada galmada soo arkay maka caafimaad badan yihiin kuwa aan wali guursan ee raaxada xalaasha ah aan soo arkin

Bulsha:- Daraasad cusub oo lagu daabacay wargeyska “ The journal of muslim marriage” ayaa muujisay in marka dadka guursaday ay keli noqdaan iyaga oo kala taga ama midkood dhinto, in uu ku dhaco wax kabadan caadiffadda oo ka lunta. Badanaa waxa soo foodsaara hoos u dhac dhanka caafimaadka jidhka ah kaas oo aanay si buuxda uga soo kaban Karin xataa haddii ay mar labaad guursadan.

Caafimaad ahaana uma fiicna kala taggu ama furriinka lamaanuhu, marka la barbar dhigo caafimaadka qofka aan weli guursan. Daraasaddu waxay intaas ku daraysaa in dadka da’da dhexe ee cimrigooda ee aan weli guurs ani ay leeyihiin mushkilado dhanka wadnaha oo ka yar kan ay ka cawdaan dadka guurka soo maray ee laakiin kala tegay oo ku danbeyey nolol kelini mo ah.

Natiijada kasoo baxday cilmi baadhis lagu sameeyey 9,652 rag iyo dumar isugu jira oo da’doodu u dhaxayso 50-60 sano ayaa cadaysay in niyad xu mo, walaac iyo werwer ka dhashay furriinku uu ku yimaado lamaanaha kal a tagay, kaas oo sii socda ama aan si buuxda u baabi’in xataa haddii qofku mar labaad guursado.

“Marka lamaanahagu uu xanuunsado ama xidhiidhkiina guur xumaado, xad diga ama heerka walaaca iyo werwerka ku helaya ayaa kor u kaca” sidaa waxa tidhi Linda waite, oo ah qoraha daraasadan iyo bare sare (profes sor) cilmiga Bulshada ka dhiga Jaamacadda Chicago, ee dalka Maraykanka. Waxayna intaas raacisay”si fiican uma seexanaysid, waxa kugu dhacaysa cunto xumo, saaxiibadaadana ma arki karaysid, dhamaan waa arrimo tiira anyo leh oo fool xun”

Faaidooyinka caafimaad ee guurka ayaa faro badan, tusaale ahaan daraa saddu waxay sheegtay in lamaanuhu ku dedaalo inuu midba kan kale caafi maadkiisa xoogga saaro oo markasta ka war hayo, gaar ahaanna ooridu ama afadu ay iyadu aad uga warhayso saygeeda caafimaadkiisa isla mark abana garato haddii caafimaad darro kusoo korodho, waxayna uga dhigan tahay sida ilaaliyaha albaabka ama gatekeeper’– oo markasta ilaalilanysa xaaladdiisa caafimaad.

Dadka daraasadda lagu sameeyey, kuwooda furriin ku yimi ama lamaani hi isii kale ka dhintay, waxay 20% kaga bateen xanuunada wadno xanuunka, macaanka iyo kansarka, marka la barbar dhigo kuwa isla markiiba dib ka g uursaday. Dib-u guursigan ayaa keentay inuu hagaago caafimaadkoodu laakiinse sida daraasadda ku cad, lamaanaha kala tegay ee aan dib u guur san weligood si buuxda ugama soo kabtaan hoos u dhaca ku yimaada caaf imaadka jidhkooda ee ka dhashay werwerka, qoomamada iyo fikirka fara ha badan ee furriinka.

Cilmi baadhistani si toos ah uma sheegayso in furriinku keeno caafimaad darro, laakiinse waxay cadaynaysaa in xidhiidh saamayn ahi ka dhexeeyo.

Sidoo kale saynisyahanno deggan gobolka Ohio, ee dalka Maraykanka ay aa tijaabiyeen waqtiga ay qaadato in lamanaha is furay ama kala tagay ay ka bogsadaan nabarada yaryar ee diirka jidhka soo gaadha,waxayna og aadeen in kuwa is furay maalin ka badan ku qaadato in nabarku bogsado, halka kuwa colaadda xoogan ku kala tagay ay mudo maalin ka badan ku q aadato in nabarku bogsado.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment