Quruxleyda reer Algeria Zahia Dehar oo markii ugu horreysay sharaxday fadeexadii Galmo ee Ribery & Benzema

Bulsha:- Waxey aheyd fadeexad gilgishay magaalooyinka Paris iyo Munich, sidoo kalana muddo badan soo jiitameysay, inkastoo ugu dambeyn lagu kala baxay.

Fadeexadaan oo galmo la xiriirtay waxey soo martay marxalado maxkamad oo halis galisay in qaar ka mid ah ciyaartooyda qaranka Faransiiska lagu xukumo xabsi sadex sanadood ah.

Fadeexadaan ayaa qabsatay saddex ka mid ah ciyaartoyda da’da yar ee qaranka Faransiiska ,balse haatan waa ciyaartoy aan qaranka ka mid aheyn.

Franck Ribery ayaa kumanaan kun oo Pound ku qarash gareeyay sidii Zahia Dehar oo gabar asal ahaan kasoo jeeda Algeria balse heysata dhalashada wadanka Faransiiska ay ugu imaan laheyd Munich si ay ula qeybsato farxadda dhalashadiisa.

Sidoo kalana Karim Benzema ayey gabadhaan la seexatay sanadkii 2008 iyadoo 16-jir ah, waxaase kaga horeeyay xidigii hore ee kooxda Lyon Sidney Govou.

Kiiskaan wuxuu furmay sanadkii 2010 markii ay saxaafadda la hadashay Zahia Dehar, waxaana ay shaaca ka qaaday in walaalkeed iyo hooyadeed aysan ka warqabin arimahaan.

Zahia waxey ugu horeyn qirtay in mid ka mid ah baararka lagu caweeyo ee Paris ay ku kulmeen Ribery ka hor inta uusan kumanaan kun ku bixin iney ugu timaado Munich halkaas oo uu ka dajiyay hotel qaali ah.

“Waxaan ka qeyb galay xafladda Ribery” ayey tiri Zahia oo markii ugu horeysay afkeeda kala furtay.

“Franck ayaa i dalbaday inagoo joogna baar ku yaala Paris, wuxuu ii jaray tikid waxaana u wada duulnay Munich si aan ula dabaal dago dhalashadiisa 26-aad”

“Wuxuu i dajiyay hotel raaxo ah oo ku yaala Munich, waan wada jiifanay wuxuuna iga bixiyay qarashka,waxaan ahaa hadiyad yar oo qurux badan, aniga ma aheyn? Balse Zahia – taasoo isku qarineysa magaalo ku taala koofurta France tan iyo markii ay dilaacday fadeexadda.

Sidoo kale waxey qeexday iney aheyd 18-jir taasoo aan loo qaadan karin inuu xad gudbay ku sameyay Ribery madama sharciga France uu ogol yahay in qofka gaara 18-sano uu xor u yahay noloshiisa.

dhanka kale Zahia Dehar waxey qiratay iney bilowday gogol dhaafka iyadoo 16-jir ah, sidoo kalana ay la kulantay dad caan ah, Karim Benzema oo Real Madrid u ciyaara ayana kamid ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment