Qodobo Yaab Leh Oo Aad Ku Hanan Karto Quluubta Xaaskaaga Iyo Weliba La Yaabka Caashaqa.

Bulsha:- Qoys walba nolosha dhabta ah wuxuu dareemaa ama ogaadaa markuu guursado, hadaba dhalinyarada soomaaliyeed markeey guursadaan maxaa ka qaado jaceylkii xooga badnaa ee xiligiii haasaawaha lagu soo xero geliyay marwada…

Taasi maahan inuu ninkaaga ku nacay, qaladka ugu weyn ee dumarkeena ka dhaadhacsan ayaa midaas ah taasoo sababto ugu danbeyn in gabadhu aay ninkeeda niyad jab xoogan u geysato, markeey ka badbadiso aaway jaceylkii aaway habeen kaama seexan karo aad ilaheyd.

Hadaba taasi aan kaa jaahil bixiyo gabadhyahay, waa jirtaa raga qaar sidaasi ineey ku dhaqmaan, balse waxaa jiro ninka markaad marwadiisa noqoto waxaa soo fuulayo culeys badan sida inuu ka fikiro nolosha qoyska iyo quutul daruuriga, waxaa usii dheeraan karto inaad ku jiri kartaan guri kiro ah, maskaxdiisa iyo noloshiisa ma u fikireyso sida xiligii haasaawaha, sidaasi awgeed adigu haka hor keenin maxaa isku badashay waad i nacday.

Niyad jab hor leh haku sii ridin dhiiro geli nolosha hasii barto markaad la garab istaagto jaceyl iyo dhiiro gelin oo aad ka fogeeyso niyad jabka ninkaagu wuxuu noqonayaa nin aad jaceyl ka hesho nolosha soo wajahdana ka adkaado, balse isku day inuu adiga kaa helo dhiiro gelin iyo jaceyl dhab ah………

Hadaba ninyahoow adiguna shantaan qodob baro oo kula dhaqan lamaanahaada…

1 – Mararka qaar markaad guriga soo gasho oo aad aragto lamaanahaada oo mashquulsan si taagtaagsasho ah gudaha guriga ku soo gal, ayadoo iskaga mashquulsan dhaqida alaabta ama hagaajinta guriga intaad gadaal kaga imaato dhanka gadaal adoo ka taagan hab sii iskuna dheji markii aay yara naxdo oo aay ogaato inaad adiga tahay, hadii aay faraha qoyaan kula jirto xattaa ha iska illaalin iney ku haleyso halkaas ugu biloow faro ka cayaar iyo qaadqaadis………..

2 – Hadii aay mararka qaar aragto adigoo qof dumar ah la hadlayo teleefanka oo shaqo ama wax kaleba idiinka dhexeeyaan markaad dhameyso, dhanka xaaskaaga soo aad shumis aad u dheer shumi una raaci waan ku jeclahay intaan noolahay, si aay u xaqiiqsato ineey ayada oo keliya ku leedahay..

3 – Xilaga aad jiifaneysaan ka hor xaaskaada kuseexi xabadkaada qaasatan dhanka bidix si aay u dhageysato uguna hurudo dhawaqa ka baxayo wadnahaada, una raaci wadnaha inuu iyada u dhaqdhaqaaqayo….
4 – Isku day inaad xaaskaaga u labisto mararka qaar, xur usii ineey doorarto dharka aay xiraneyso, iyo kalarkoodaba lakin adiga gacantaada ugu labis una qurxi, markaad labiska dhameyso amaan aad u wanaagsan u raaci dabadeeda wejigeeda intaad gacantaada ku masaxdo u raaci shumis iyo erayo jaceyl ah….

5 – Markii aay marti idiin timaado oo aad ku sugantihiin qolkiina oo la buuxo isku day inaad mararka qaar isha ku xado halka mar oo aay kusoo eegtana aad u raaciso iljebis adigoo si aay u dareento inaad tabeysid.

Intaasi iyo kabadanba xaaskaaga waad kusoo jiidan kartaa xaaskaaga balse waxey ku xirantahay dareenka aad u qabto lamaanahaada, ninkii jaceyl dhab ah u qabo xaaskiisa intaan kor kusoo sheegnay iyo in kabadanba wuu ku dhaqmayaaa, adigana noqo nin intaa laga helo si aad ugu noolaato jano aduun ku gaar jano aakhiro, waayo xaas iyo seygeeda daacad isku ah isna jaceyl waa nolosha ugu macaan dunida wax la’aan iyo wax haaysashaba…..

Qalinkii fanax fariid










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment