Qodobadan Dumarka looma sheego (Sirta Nolosha)

Bulsha:- Kafaa iideyso shabakada Arimaha bulshada Warka24.com waxa ay idiin soo gudbineysaa 10 qodob oo xasaasi ah Dumarka looma sheego In kastoo dadka dunida ku nooli ay ku kala duwan yihiin dhaqanka iyo caadooyinka, hadana waxa jira hab dhaqan ay ka siman yihiin inta badan dadka dunida ku nooli, marka laga hadlayo sirta jacaylka.

Sida ay daah fureen daraasado iyo cilmi baadhisyo lagu sameeyay arrintani waxa la isla waafaqay inay jiraan hab dhaqano ay ka siman yihiin ragga dunida ku nool intooda badani.

Waxana la ogaaday inay jiraan qodobo sir ah oo aanay jeclayn raggu inay ogaadaan dumarka ay jeclaadaan.

Waxanay raggu had iyo jeer isku dayaan sidii ay uga qarin lahaayeen qodobadaa sirta ah.

Qodobadaa sirta ahi waxa ay kala yihiin:

1 Guur hore ama xidhiidh hore: Raggu badidoodu ma jecla in dumarka ay jeclaadaan ay ogaadaan haddii ay jiraan gabadh hore oo uu qabo ama xidhiidh ka dhaxeeyay iyaga oo ka baqo qaba haddii ay ogaadaan dumarku arrintaa in ay caqabad ku noqoto xidhiidhkooda jacayl ee cusub.

2.Ubad Hore: ragga qaarkii ma door bidaan in gabadha uu jecel yahay ay ogaato haddii ay jiraan ubad hore oo ay u dhashay xaas hore.

3.Dhaqaalaha: sida ay raggu u badan yihiin raali kama noqdaan in gabadha ay jeclaadaan ay ogaato hayntooda dhaqaale inta ay gaadhsiisan tahay waxa ay warka24.com ku leedahay taasi waxaa u sabab ah iyaga oo ka cabsi qaba in duruuftooda dhaqaale ay raali ka noqon waayaan dumarka ay jecel yihiin oo uu dhicisoobo xidhiidhkoodii jacayl ee bilawga ahaa.

4.Xanuun ama Dhibaato Caafimaad Darro: sida la xaqiijiyay ragga badidoodu kuma farxaan inay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin haddii ay jiraan xanuuno ama dhibaato caafimaad daro oo la soo derista ragga, sababto ah waxay diidayaan haddii

5. Da’da iyo mushaharka: Ragga qaarkood ama sida ay u badan yihiin dumarka uma sheegaan tirada saxda ah ee mushaharka ay qaataan iyo da’dooda toona.

6.Ubad la’aan: Haddii uu ninku soo guursado dumar hore oo aanay wax caruur ah u dhalin uma sheegaan gabadha ay jeclaadaan in aanay wax ubad ah u dhalin dumarkaa hore, sababtoo raggu waxa ay aaminsan yihiin in waxa keliya ee ay u damarku u daneeyaan guurka uu yahay sida ay caruur u dhalin lahaayeen.


7.Bedelka shaqada: sida ay raggu u badan yihiin uma sheegaan dumarka ay jeclaadaan xaalada dhabta ah ee ka jirta goobaha ay ka shaqeeyaan mana jecla inay dumarku ogaadaan haddii uu ninkaasi damacsan yahay in uu ka tago shaqada ama uu ka badasho, umana sheegaaan ilaa ay fuliyaan.

8.Qirashada jiritaanka Raga ay saaxiibad yihiin: ragga wax jeceli ma jecla in ay ogaadaan dumarka ay jecel yihiin muqaalka iyo magacyada ragga ay saaxiibka yihiin, maxaa yeelay waxay wadnaha farta kaga hayaan in haddii ay saaxiibadood ay ogaadaan xidhiidhkooda jacayl inay ku kiciyaan mawjado hafiya jacaylkooda.

9.Cadhada iyo rabashka badan: raggu waxa ay isku dayaan in ay ka qariyaan dumarka ay jeclaadaan dabeecad xumada, rabashka iyo cadhada si aanay u galaafan saamayna ugu yeelan barashada geedi socodka jacaylkooda cusub.

10.Iinta: sida la wada og yahay qof waliba wuu yaqaanaa iintiisa laakiin wuxu isku dayaa in uu ka qariyo dadka kale. Ragga wax jeceli ma aqbalaan in ay ogaato gabadha ay jecel yihiin in ay ogaato intooda.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment