Qiso Aad Iyo Aad Tusaalaheeda U Wadato Wixii Dhex Maray Naakhuudihii La Kulmay Ninkii Aabihi Dhintay.

Bulsha:-  Nin Naakhuude ah ayaa waxaa la kulmay nin kale isagoo doontiisii wata markaasuu yidhi: Aabaha xaguu ku dhintay? Naaakhudihii ayaa yidhi: Aabahay Badda ayuu ku dhintay isagoo ka shaqaysanaya ! markaasuu waydiiyey hadana Awowgaana xaguu ku dhintay?

markaasuu Naakhuudihii yidhi: Awowgayna Badda isagoo ka shaqaysanaya! ninkii ayaa yidhi yaab badanidaa Aabahaa baduu ku dhintay awowgaana badda adiguna Naakhuude ayaad tahay oo baddaad ka shaqaysan ma badaad ku wadda dhimanaysaan?

Naakhuudihii ayaa yidhi: adiga Aabahaa xaguu ku dhintay? ninkii ayaa yidhi :Aabahay wuxuu ku dhintay Firaashkiisa! markaasuu yidhi: Awowgaagana? markaasuu yidhi: Firaashkiisa ayuu ku dhintay.

markaasuu Naakhuudihii intuu qoslay ku yidhi: oo adiguna ma waxaad sugaysaa inaad firaashkaaga ku dhimato.

qisadani waxay inoo sheegaysaa in qofku aanu raacraacin ama baadhbaadhin xaalada qof u gaara, isagoo xaaladiisaba ama ceebihiisaba aan arkayn.

ku mashquul taariikhdaada iyo ceebtaada ha ku mashquulin ceebta dadka kale.
qisadan waxaan kaaga soo tarjumay Buugaa 1001 qiso.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment