Qaar Ka Mid Ah Atirishooyinka Bollywood-ka Ugu Caansan Ee Xabsi Loo Taxaabay Iyo Sababta

Bulsha:- Marka laga soo tago in jilaayaasha Bollywood-ka ay hadal xoogan ku abuuraan filimada ay sameeyaan hadana mararka qaar noloshooda gaarka ah muran xoogan ayaa ku xeen daaban.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa atirishooyinka Bollywood-ka ka tirsan ama ka tirsanaan jireen kuwaas oo hada ka hor xabsiga loo taxaabay iyo sababaha ay sidaas ku dhacday:

Madhubala: Sida warbixinada ku qoran atirishadii barisamaadka Bollywood-ka u talin jirtay waxaa xabsi la dhigay sanadii 1957, sababtana loo xirayna waxay ahayd inay kasoo bixi weysay balan shaqo.

Madhubala ayaa lacag hormaris ka qaadatay filim sameeyihii waagaas caanka ah BR Chopra, balse balankii ayay kaga baxday waxayna bilaawday sameynta filim kale ayadoo lacagtiisa dib ugu celinin.

BR Chopra wuu dacweeyay Madhubala waana loo xiray markii dambena damaanad ayaa lagu soo daayay ayadoo lacagihii lagu lahaa iska bixisay.

Mamta Kulkarni: atirishadii 90-maadkii Bollywood-ka caan ka ahayd iyadana mar ayay xabsi soo dhadhamisay waxaana lala xiray seygeedii Vicky Goswami xili ay magaalada Mombasa dalka Kenya joogeen sedex sano ka hor.

Waxaana loo xiray Mamta iyo seygeeda arimo la xariiro inay daroogada ka ganacsadaan, sidoo kalena seygeeda haatan waxaa la sheegay in booliska aduunka kiiskiisa la wareegeen, iyadana lasoo daayay balse xabsi guri ku tahay dalka Kenya.
Monica Bedi: atirishadaan Bollywood-ka ka tirsanaan jirtay waxay guursatay burcadkii ama gaangester-kii weynaa Abu Salem waxayna iskula baxsadeen dalka Portugal.

Laakiin booliska magaalada Lisbon ee dalka Portugal ayaa gacanta ku dhigeen Monica iyo Abu Salem madaama ay Passport iyo waraaqado been abuur ah Portugal kusoo galeen.

Monica Bedi labo sano oo xabsi ah ayay ku qaadatay dalka Portugal sanadii 2002 marka gacanta lagu dhigay sidoo kalena 5-tii sano ee lagu xukumay sedexda sane kale ee soo hartay gudaha Hindiya ayay ku qaadatay xukunkeedii.

La Soco Qaybta Labaad Atirishooyinka Bollywood-ka Ee Xasbi La Dhigay Hada Ka Hor……………….










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment