Priyanka Chopra oo Qiratay in Film Ay Jili Lahayd Lagu Bedaley Atrishad Kale

Bulsha:- Atrishada caanka ah ee Priyanka Chopra ayaa qiratay in mid ka mida filimadii looso sharaxay inay matasho lagu bedeley atrishad kale sababtuna ay ahayd inay hawl kale xiligaas ku jirtay.

Priyanka oo wareysi siisay majalada Modern Luxury ayaa sheegtay in film ay rabtay inay jisho lagu bedeley gabadh kale madama oo ay iyadu barnaamij kale ay waday waqtigii filmkaas la duubayay iyadoo sheegtay inay midaas ka muruugotay sida fudud ee film soo saarayashu uga maarmi karaan qofka jilaaga ah.

Priyanka ayaa sheegtay sidoo kale ineyna is ogeyn yaraantedi inuu alle siiyay hiboda jilitaanka ilaa ay is tijaabisay oo ay ku guulaysatay waxayna tidhi “qofna muu ogeyn inaan jili karo ana isma ogeyn run ahaantii”.
Priyanka ayaa la filanaya in filmkeedi koowaad ee Hollywood ee BAYWATCH bishan May 25keeda soo bixi doono, filmkan oo ay ku wehelinayaan Dwayne Johnson iyo Zac Efron.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment