Naagaha nuucaan naasaha mudaca leh oo la ooyo kacsi xiliga

Bulsha:- Shaikh Al-Nafsawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii (Ar-Rowdul-Caadhir fii Nus-hatil-Khaadhir) ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda. 

Haddaba sifooyinkii uu sheekh Al-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:
(Gabadha guursigeeda la doonaa waa tan uu jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh, timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh, sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow leh, ilkaha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh, gacmaha buurbuuran iyo garaaraha leh, shafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan leh, xabadka iyo naaska buuxa leh, dhexda yar leh, sinaha waaweyn leh, caloosha godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku habboon leh, xuddunta ballaaran ee biya-degeenkaa leh, cambar dusha iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka ciriirigaa leh, cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh, kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.

Gabadha socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray: “Culays kuma dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way ciribsataa”, kolkay soconayso laafyoota, kor iyo hoosna ka lulata, soo socodkeeda aad macaansatid, sii socodkeedana la miyir beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn, codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan, degganaanta iyo dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco ayadu doonata, hadduu iska daayana isdadabta, kolkay galmadu dhacayso dhabannadu casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay ninkeeda la joogto farax iyo qosol badan, markay dad kale arkeysana afgaaban oo edeb badan, eer-sheegad yar, abtiyaal iyo adeeryaal akhyaar ahna leh).













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment