MUXUU MUDANYAHAY NINKII GABAR AAN BIGRO AHAYN U CEEB ASTURAY, QISO AAD YAAB BADAN.

Bulsha:- Qisadan waa qiso aad u qiime badan oo lagu cibraqaadan karo, imaam Tujiyo Masaajid weyn oo ku yaalo dalka Suuriya ayaa wuxuu jameecadiisa u sheegay Shan sano ka hor Qiso Cajiib ah oo ku Dhacday. Imaamka ayaa sheegay in Habeen Habeenada ka mid ah uu Riyo ku arkay Nabiga (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato), isagoo u sheegay inuu Ninka Deriskiisa ah u Sheego inuu isaga Nabiga (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato) uu Jannada Deris kula noqon doono.

Subaxdii markii la tukaday ayuu Imamkii u tagay ninkii deriskiisa ahaa ee fariinta uu uga siday Nabiga (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato), Wuxuuna u sheegay inuu fariin uga sido Nabiga (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato), balse uusan u sheegaynin fariintaas ilAa uu u sheego waxa uu Suubiyay ee uu ku Muteystay Darisnimada Nabiga (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato) ee Janada.

Ninkii ayaa diiday inuu Imaamka u sheego waxa uu Suubiyay, Hase ahaatee Imaamkii ayaa asna Dhaartay oo u sheegay inuusan Fariinta Gudbinaynin ilaa uu u Sheego waxa uu ku Muteystay Jaceylka iyo Darisnimada Nabiga (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato). Ninkii ayaa dabadeedna ka Codsaday Imaamka inuusan Dad kale u Sheegin waxa Sirta ah ee uu u Sheegi doono. Imaamkii ayaa Arrintii aqbalay.

Intaasi ka dib Ninkii ayaa bilaabay sheekadii, waxeyna u dhacday sidatan:- Waxaan Guursaday Gabar, Aniga oo u heysta inay tahay Bikro. Reerkeedana sidoo kale ayay Aaminsanaayeen. Hase ahaatee waxa Dhacday markii aan Aqal Galnay inaan Ogaado inaysan Bikro ahayn, balse
ay Uur Afar Billood ah leedahay. dabadeedna waan Xanaaqay, aad ayaana Arrintii uga Xumaaday.
Hase ahaatee maanan Furin, cidna uma sheegin Xumaantii Gabartaas, Gabartiina Waxaan u Sheegay inaan u Ceeb Asturi doono, waxaana ka Codsaday inay Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa), ay u Towbad keento. Taladii ayay Qaadatay, Cafis ayay Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa), weydiisatay, Anigana in badan ayey igu Shukrisay maadaama aan u Ceeb Asturay, waxayna noqotay Gabar Taqiyad ah oo Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) aad uga Cabsata.
Waxaan ka Guuray Xaafadii aan Deganeen si aan ugu Ceeb Asturo oo aan loo Ogaanin inay Uur leedahay, maxaa yeelay hadaan Aniga Uurkaas Sheegto Dadka ayaa Yaabilahaa, haddii ay Shan Bilood oo kaliya ka dib Canug ay Dhali laheed oo 9 bilood ah. intaasi ka dib Waxaan Degnay meel aanan nalaga Aqoonin, dabadeedna Saq dhexe ayaan ugu yeeray Umuliso iyadoo ka Dhalisay Wiil.

guurka-iyo-faaiidada-uu-u-leeyahay-lafaha-ragga
Wiilkii ayaan ku Duubay Go’ weyn oon lahaa, ka dibna Salaadii Subax ayaan Aaday Masajidka Aniga oo cidna aysan ii jeedin. Markaas ayaan Wiilkii Albaabka dhigay. Dabadeedna Gudaha ayaan iska galay. Dadkii Salaadda u yimid ayaa Arkay Wiilka meesha yaalo oo Habaartan Bilaabay. Waxaan iska Dhigay Ruux aanan waxba ka Ogeyn markaas Dadkii meesha isugu yimid ayaan ku iri:- Wiilkan Miskiinka ah ee meesha lagu Xooray Aniga ayaa Qaadanaayo.
Dadkii ayaa ii Duceeyay iyagoo u Maleeyay inaan waxba ka Ogeen. Xaaskeygii ayaan u keenay Wiilkeedii, una sheegay inay Ilaah (subxaanahu wa tacaalaa) ay Dembi Dhaaf weydiisato oo aysan Cunugeedana Dhib u geysan. Haweenaydii weli waxay ku Sugan tahay Taqwo iyo Oohin Alle ka cabsi darii (subxaanahu wa tacaalaa).

Dadkaygii waxaan u sheegay in Xaaskayga Canugii ka soo dhacay iyadoo Shan Bilood ah, ileen 5 bilood ayaan is Qabnaa, balse Xaaskeygana waa 9 bilood. Hase ahaatee waxaan inta u Raaciyay inuu Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) uu Canugii naga Dilmay uu noogu Badalay Wiil kale oon Masaajidka ka soo Qaadanay. Dadkiisii ayaa haddana u Duceeyay. Ilaahaygii Abuurtay, iyo Xaaskeyga oo kaliya ayaa Ogaa wax walbo oo aan Suubinaayey.

Haddabaa, Ninkaas u Ceeb Asturkaas Xaaskiisa ayuuna ku Muteystay Jannada iyo Darisnimada Rasuulka (naxaraiis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato). Meeqa Anaga naga mid ah ayaa u Ceeb Asturi lahayd Gabar aan Guursanay oon Ceeb ku Aragnay? Ciyaar ma aha Ceeb asturka, ileen Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) ayaaba la baxay: AS-SATTAAR (Qariye, Daboole ama Ceeb Asture).
Meeqa ayaan Xumaan iyo Ceeb Suubinaa ama aan ku Kacnaa, haddana Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa) noo Ceeb Asturaa? Ka waran haddii mar walbo oo aan Xumaan ku kacno uu na fadeexayn lahaa Eebbe (subxaanahu wa tacaalaa)? Dadka oo loo Ceeb Qariyo waxa lagu helaa Ridaha Ilaahay (subxaanahu wa tacaalaa), maadaama Eebe isagaba inoo Ceeb Asturo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment