MUUQAAL: Wasiir Juxa “Xaafow Xilkas iyo Mas’uul Noqo, Waa inaynu doono garabka Galmudug ee maqan”

Bulsha:- Wasiirka Arimaha Gudaha Dawladda Soomaaliya Cabdi faarax Juxa, ayaa Khudbad Kasoo jeediyey Doorashadii Madaxwaynaha Cusub ee Maamulka Galmudug.

“Waxaa sharafweyn noo ah inaan ka qaybgalno doorashada maanta halkan ka dhacday, waxaan u mahadcelinaynaa doorkii adkaa ay qaateen guddiga doorashada Galmudug sidoo kale shacabka reer Galmudug iyo weliba cadaado aad baan ugu mahadcelinaya.

Saddex todobaad kahor ayaan halkan isugu nimi inaan raadino garabka maqan, maanta waan isu soo laabanay Galmudugna waxay dooratay madaxweyne . xaafow xilkas iyo masuul noqo , waxaa u yaala inuu doono garabka kale ee Galmudug ee maqan, waa in la raadiyo dadkaasi , amaankana loo meel marin laha, dadka ku bahoobay Galmudugna markale loo mideyn lahaa, waa howl , waa masuuliyad weyn.

Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka arrintaasi qayb ayeey ka qaadanayaan, anagu waa fududeynaynaa wixii wada hadal ah iyo wixii was isu soo celin ah . aad baan uga helay hadalada madaxweynaha cusub iyo siduu sheegay inuu wa u qabanayo , anagu dhinacayaga ayaan qabaneynaa iyo wixii nooga soo aada”.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment