MUUQAAL: Khudbadii Axmed Madoobe Xafladii London oo dadku Wada Kacay, Xaqiiqda uu Taabtay Iyo Hadalo Kulul

Bulsha:-  Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa Khudbad Qiimo badan oo Bulshada Soomaaliyeed u Wada istaagtay Wuxuu kasoo jeediyey Xafladii loo qabtay Madaxwayne Farmaajo iyo Wafdigiisa ee London.

“Qurbo joogta waxaan uga mahadcelinaya gacantii ay ka geysteen gurmadkii abaaraha, waxaanse idiinku daraya wadankaan cidna uma maqna ceelna uma qodna, hadii lexe jeclo laga leeyahay intaasi ma qaadateen, caalamka malaha tijaabaan ugu jirnaa waxaa la rabaa in la inagu tijaabiyo inta dowladd la’aan la noolaan karayo, waxaytahay inaan garano inagu meesha aan u socono.

Halka kale aan idiinku daraya waxaytahay, wanaag qurbo joog ayuu ku haray, qabiilkuna iyaguu weli ku danbeeyaa, gudaha markii la joogo dadku waa kasoo daaleen laakiin idinka weli xoogaa xiiso idinku jira.


Waxaan u nimi inaan idini muujino midnimo , micno sameyn mayso shir lagu qabtay london, mid lagu qabtay baariis , madaxda Soomaaliyeedna micno uma leh, waxaa ugu muhimsan waa midnimada raadinteeda hogaaminta iyo system-kaasi inuu dhisanyahay.
waxaa laga hadlaa madaxweynayaal badan iyo Maamulo anigu waxaan ahay dadka aan rumeysneen Federaalism-ka, wax yar u kaadiya adeer, waxaa la yiri in kasta oo uu hadal fiican ahayn waxaa la yiric Nin dameer dabadiis ka degay dan buu mooday, in State-yo aan sameyno waxaan dan u moodnay inaan marka hore meel walbo lasoo dhiso kadibna hal meel isugu wada nimaadno , mahan inaan dan kale ka leenahay, madaxweynayaasha badan waa ka gudbi doonaa”.













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment