MUUQAAL: Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel oo Sucuudiga Ka Diiday in ay Madaxa Daboolato

Bulsha:- Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa diiday inay fuliso sharciyada u yaal  Boqortoyada Sacudi Carabiya iyadoo kula kulantay magaalada Jeddah boqorka Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Sharciyada u yaal boqortoyada Sacudi Carabiya ayaa waxaa ka mid ah in haweenka aysan madaxa ku baneysan karin goobaha fagaaraha ah,hase yeeshee Merkel ayaa noqotay hogaamiyihii ka socda dal ku yaal Yurubta Galbeed oo jebisa sharciyagaas.


Theresa May iyo Michelle Obama ayaa ka mid ahaa haweenkii hore u diiday inay xirtaan xijaab madaxana dabooshaan marka ay booqasho ku tagaan dalka Boqortoyada Sacudi Carabiya.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa baarlamaanka Jarmalka waxa uu u codeeyay sharci qabyo ah kaasoo ka mamnuucaya dumarka in meelaha fagaaraha ah ay xirtaan xijaabka.

Ms Merkel ayaa ka mid ah hogaamiyaasha aaminsan in la mamnuuco gebi ahaanba in haweenka ay indho sharer xirtaan.
Hogaamiyaha Jarmalka ayaa sheegtay in ay kala hadasho madaxda Sacudi Carabiya arrimaha xuquuqda aadanaha sida xukunka dilka ah iyo doorka uu Sacuudigu ku leeyahay dagaalka rayidka ah ee dalka Yemen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment