MUUQAAL: Hanti dhowr-ka Ciidankiisu Dileen Siraaji oo ku Gacan saydhay Xil ka Qaadista Wasiirada iyo Weerar uu ku Qaaday R/wasaare KHAYRE (Waraysi)

Bulsha:-  Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ku gacan seydhay xil ka qaadis lagu sameeyay, kaddib kulan deg deg ah oo Xalay Golaha Wasiirada ku yeesheen Madaxtooyada, iyadoo Xil ka qaadistan ayaa daba socday dhacdadii lagu dilay Wasiir Cabaas, kaasoo Ilaalo la socotay Hanti dhowrka Guud ay ku toogteen agagaarka Madaxtooyada.


Dr. Nuur ayuu sheegay in Golaha Wasiirada Soomaaliya aysan xilka ka qaadi karin, awoodna aysan u laheyn arrintaasi, Wuxuuna Xusay inay xilka ka qaadi karaan Baarlamaanka Soomaaliya, wadadaasi hadii la soo marana uu aqbali doono xil ka qaadista.

Hanti-dhowrkii Guud ee Qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya maalmahan inuu ka dhaxeeyay khilaaf, oo Sharciga uu ku Baalmaray, wuxuuna sheegay arrintaasi in uu uga faa’ideysanayay xil ka qaadistiisa.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment