Mucaaradka Kenya oo doonaya in haweenku siyaasadeeyaan galmada Mucaaradka Kenya oo doonaya in haweenku siyaasadeeyaan galmada

Bulsha:- Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa haweenka weydiisatay inay raggooda u diidaan galmada (Sex) illaa inta ay isku diiwaan gelinayaan doorashooyinka dhacaya sideedda August ee sanadkan.

Mishi Mboko oo ah wakiil laga soo doorto magaalada xeebta ee Mombasa ayaa sheegtay inay tahay xeeladda ugu wanaagsan ee lagu xaqiijin karo codadka mucaaradka.

“Haweenkoo, tani waa xeelad ay tahay inaad adeegsataan. Waa tan ugu wanaagsan. U diida galmada ilaa inta ay idinka tusayaan kaaraka diiwaanka codeynta” ayey tiri.


Is-diiwaan gelinta doorashada ayaa ku eg toddobada bisha Febraayo ee soo socota.
Ms Mboko ayaa sheegtay in galmadu ay tahay hub awood badan oo ku dhiiri-gelin kara raga diidan inay codeeyaan inay deg deg u tagaan oo ay is-diiwaan geliyaan.

Waxa ay sheegtay in xeeladdan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin seygeeda, maadaama uu goor horeba is-diiwaan geliyey.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa doonaya in dib loo doorto, waxaana la filayaa inuu la tartamo musharax ka socda is-baheysiga xisbiyada, oo uu ku jira xisbiga ODM ee ay Mboko ka tirsan tahay.
Mboko ayaa aaminsan in is-baheysiga mucaaradka uu guuleysan karo haddii dhammaan taageerayaashiisa ay isu diiwaan geliyaan inay codeeyaan.
Qaadacaadda galmada ayaan ahayn wax ku cusub Kenya. Sanaddii 2009, dhaqdhaqaaqa haweenka ayaa muddo toddobaad ah galmada diiday si ay madaxweyne Mwai Kibaki iyo ra’iisul wasaare Raila Odinga ugu qasbaan inay dib u heshiiyaan kadib khilaaf soo kala dhex galay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment