Maxaad ka taqaan Dumarka Soomaaliyeed raga ay aadka u necebyihiin in ay guursadaan ama Shukaansadaan?

Bulsha:-  Nolosha kama marna jaceyl iyo naceeb, ruux jacel ma jiro in la naco ama la dhibsado balsa sifooyin badan ayaa jiro ay kuugu nici karto gabar ama xaas aad qabto, sifooyinka qaar waxay soo if baxaan xiliyada aad ku jirto shukaansiga kawana markii uu guurka dhaco, hadaba Allbanaadirn.com waxay idiin soo gudbin doontaa sifaadkaas qaar ay dumarka ku nacaan wiilasha ama raga iyaga qaba,

1. Ninka naagta u xisaabiya wax kasta

Xisaab la aan ruux iska socda ma jiro, nolosha dhan ayaa ah is wada xisaabin iyo is waydiin wixii qabsoomay iyo sidii lagu gaari lahaa waxa harsan, ma jiro nin jecel in lacagtiisa ay noqoto mid iska socoto, qofkasta wuxuu doonaya in uu ogaal u leeyahay lacagta halka ay ku baxeeso iyo sababta ay u baxeeso iyo waxa lagu qabanayo muhiimada ay leedahay, balsa waxaa jiro rag aad u gacan adag wax kasta awooda laakiin aan ka dayn xaaskiisa xisaab isaga oo qalin iyo warqad la daba joogo wax kasta oo baxay suaalo ka daba keena iyo in uu uu xadidio waxa ku baxaya guriga isaga oo og in intaas kabadan la iska rabo, ragga nuucaan oo kale waa kuwa inta badan ku dayaca dumarka nolosha xitaa aan u quurin in ay u iibiyaan dhar qurxoon ay xirtaan.

2. Cuqdad iyo muran badan

Dumarka ma jeclo ninka cuqdada badan oo wax kasta laabta ku save gareesta kadibna la bukooda cuqdad sidoo kale dumarka ma jeclo ninka muranka badan wax kasta ka keena dood isaga oo fura kumanaan qodob aan meesha oolin marmarka qaarna sixun ufikira.

3. Ninka la qabsiga badan (Gabar kasta afka la gala)

Dabeecadaha ugaarka ah ee dumarka waxaa kamid ah in ruuxa ay jecel yihiin uu kali u ahaado ama aan lala wadaagin waana dabeecad uu Alllah ku beeray midaasi waxaa barbar soocto ragga iyagane damac badnida leh, ma jeclo dumarka in ay arkaan ragooda oo la haasaawa ama kuluma la qaata qof kale uu dumar, waxaana ka dhalan kara neceeb.

intaas oo sifo uu qoraaga Daalac Daahir Shoot kor ku soo xusay waa qeybo kamid ah sifooyinka ay gabdhaha ama xaasaska la qaba ku nacaan raga inkastoo ay jiraan sifooyin badan waxaan soo qaaday kuwa ugu muhiimsan ee laf dhabarka u ah is neceebka.

W/Q: Daalac Daahir Shoot











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment