Maxaa Ka Jiro In Atariishada Pooja Hegde Qeyb Ka Tahay Filimka Student Of The Year 2!

Bulsha:- Karan Johar ayaa sanadkii shaaca ka qaaday inuu sameyn doono qeybta labaad ee filimka Student Of The Year 2 oo qeybtiisa koowaad la daawaday 2012.

Karan Johar ayaana shaaca ka qaaday in qeybta labaad ee filimka Student Of The Year hogaamiye ka yahay jilaaga lawada jacel yahay ee Tiger Shroff.

Filimkaan ayana ilaa hada shaaca laga qaadin atariishada Tiger la sameyn laheyd waxaana la hadal haayay inay kusoo caan baxi doonto Saif Ali Khan Iyo Amrita Sigh gabadhooda Sara Ali Khan laakiin ilaa hada lama xaqiijin sido kale waxaa loola xiriiriyay Disha Patani si la mid wili shaaca lagama qaadin inay qeyb ka tahay filimkaan.

Wararka maanta soo baxaaya ayaa sheegaya in atariishada sanadkii hore kusoo caan baxday filimka Mohenjo Daro ee Pooja Hegde atariisho ka noqan doonto SOTY.

Waxaana la sheegay in atariishadaan wada hadal la sameysay filim sameeye Karan johar wax walbana isku fahmeen waxaana la qorsheynaaya in goor dhow ku dhawaaqi doonan warbaxintaan oo rasmi ah.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment