Mar dambe isma arkaysaan biyabbaxa dhaqsida ah ee akhri qoraalkan galmada fooraarka

Bulsha:- Dada badan ayaa na soo weyddiiyay dhibaatada ay kala kulmayaan biyabbaxa degdegga ah, qoraalkan si fiican u akhri waxaan rajaynaynaa inaad ka faa’idaysan doonto haddii Alle idmo Muxuu yahay biyabbaxa degdegga ah? biyabbaxa degdeg waa xaalad nimanka ay ku biyabbaxaan muddo labo daqiiqo gudahood ah ama ka yar.

Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kale oo daraasad la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyabbaxaan inay tahay shan ilaa lix daqiiqadood.

Waxaa kalaoo jira qeexid kale oo oranaysa hadduu ninka biyabbaxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo cudurka biyabbaxa degdegga Howsha galmada waxay u baahan tahay inuu jiro Rabitaan Kacsi iyo biyabbaxa haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa meesha yaalla. Sabab ma leeyahay biyabbaxa degdegga ah? biyabbaxa waxaa loo kala qeybiyaa labo isteeb oo kale ah: Wejiga saarista biyaha oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta.

Wejiga gamista biyaha oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan. biyabbaxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo mar hore caadi ahaa waxaa loo yaqaannaa “Midka labaad” laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa “Midka koowaad” waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.

Waxaa la aaminsan yahay in sababaha keena arrinkan yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad­jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale. Waxaa kale oo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada, dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar.

Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar. Sidee loo daaweyn karaa xaaladda biyabbaxa dhaqsiga ah? Daaweynta waxaa loo kala qaadaa afar nooc oo kala ah:

1­ In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni kara xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka)

2­ Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyabbaxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibna loo soo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo “Kegel Excercise” oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas.

3­ Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyabbaxa waana daawo ah lidka­diiqada iyo welwelka.

4­ qaababka galmadana kaalin weyn ayay ka cayaarayaan biyabbaxa degdegga ah taasna waxay u noqonaysaa nafsiyaadka tusaale ahaan marka ay biyaha kaa bixi rabaan haddii aad dhaqdhaqaaqa joojiso oo aad macaansiga niyadda ka saarto biyaha way noqonayaa, waxaad iska ilaalisaa ilaa aad ka baranayso reebidda biyaha inaadan foorar ugu tagin xaaska ama adoo shaqada ku jira naasaheeda inaadan ku raaxaysanin taas waxay keenaysaa raaxo laballaab ah oo soo dedejinaysa biyaha marka ugu dambaysa waxaa isweyddiin mudan su’aashan”

Naagaha ma ku dhacaa biyabbaxa dedgdeg ah? sida la ogyahay naagta iyo ninka aad bay ugu kala duwan yihiin qaabka raaxada galmada naagaha xitaa haddii ay biyabbaxaan galmada way wadi karaan bahalkooda isagaa wax la geliyaa ee lagama rabo inuu taagmo sida ninka oo kale ah, naagaha qaar dhowr jeer ayay biyabbaxaan ilaal ninka ka dhamaysto













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment