Ma Ka Sheeganeysaa Awood Yari Iyo Damac La`aan Kulanka Sariirta Ah ,4-taan Qodob Ayaa Kaa Caawinaya In Aad Ka Taqalusto .

Bulsha:- Waxa jira rag badan oo ka sheegta rabitaan yari dhanka kulanka sariirta ah iyadoo waxa u sababta ahna ay qof waliba kan kale ay ka duwan tahay

Balse qubarada arimaha qoyska ee Alcarabiya.com ayaa haatan soo koobeysa arimo ka caawin kara in aad arintaas ka gudubto haddii aysan dhicinna waxaan kuula talineynaa in aad la xariirtid taqtar.

* Sameey Jimicsi: jimicsigu waxa uu xoojiyaa in jirka uu soo daayo hormone-ka loo yaqaan (Testosterone) kaasi qofka ka yeelaya mid u baahan sameynta kulanka sariirta

* In Aad Wel-welka Iska Yareyso : kulammaa aad dareemeyso cadaadis ,wel wel iyo fikir joogto ah oo ka dhalanaya arimo kugu taagan dhanka ay doonto ha noqotee waxa ay hoos u dhigeysaa rabitaankaada kulanka sariirta

*In Aad Hesho Jiif Kugu Filan : hurdi yarida iyo in  uusan ku nidaamsaneyn waqtiga aad jiifaneyso waxa ay saameyn ku yeeshaan xaaladda jirkaada waxaana ka dhalanaya daal halka uu hoos u dhigayo in jirka uu soo daayo Hormone-ka ah (Testosterone) iyadoo haddii uu yaraadana ay hoos u dhaceyso rabitaankaada kulanka sariirta

* Nooca Cunta Aad Qaadato : waxa jira cunooyin saameyn aan wanaagsan ku yeesha caafimaadkaada ayna si dheer tahay awoodaada kulanka sariirta
Waxaa jira halboowlayaal quudiya xubinta taranka sidaa dartdeed cunno waliba oo saameyneysa caafimaadka halboolayaasha iyo wadnaha iyana saameyn xun ayay ku yeelaneysa awoodada kulanka naxariista

Sidaa darteed qubarada arimaha qoyska ee Alcarabiya.com waxa ay kuula talinayaan in aad badsato marka xaaladdaas aad  isku aragto cunista cunooyinka badda ,sidooklale qudaadra noocyaddeeda kala duwan











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment