Lamaanihii Hore Sushant Singh Rajput Iyo Ankita Lokhande Oo La Arkay Ayagoo Kulan Wada Qaadanayaan

Bulsha:- Lamaanihii Hore Sushant Singh Rajput iyo Ankita Lokhande sanado badan ayay jaceyl wada jilayeen sidoo kalena musal salada ayay isla sameen jireen.

Sushant iyo Ankita marnaba la isma laheyn wey kala hari doonaan madaama ay xitaa hal guri ku wada noolaayeen laguna kalsoonaa inay is guursan doonaan balse wax walbo meel cidlo ah ayay kaga tageen labo sano ka hor.

Haatan si lama filaan ah ayaa loo arkay Sushant iyo Ankita oo kulan Koffee wada cabis wada qaateen waana arin aan la fileyn waxaana haatan laga doodayaa dib miyay isugu soo laaban rabaan laaminihii hore.

Mumbai Mirror ayaa soo daabacday in lamaaninihi hore waqti ku wada qaateen goob kafeega lagu wada cabo sidoo kalena ay xoogaa wada doodeen markii dambena arimo badan ka wada hadleen, waxayna shabakadaan leedahay waxaa macquul ah in qilaafkii ka dhaxeeyay Sushant iyo Ankita xal u heli rabaan.

Madaama Sushant Singh Rajput wax kama jiraan ku tilmaamay inuu xiriir jaceyl kala dhaxeeyo atirishada Kriti Sanon oo filimka Raabta la sameesay waxaa macquul ah in midaas qalbiga u qaboojisay Ankita Lokhande.
Waxaan sugnaa waa isku soo laabashada Singh Rajput iyo Ankita Lokhande oo sanado badan ahaayeen lamaanaha ugu shidan uguna caansan dhanka TV-yada.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment