La Ogaaday: Katrina Kaif Inay Baraha Bulshada Kusoo Biirto Karan Johar Ayaa Ku Qasbay

Bulsha:- Atirishada Katrina Kaif mudo dheer ayay fanka Hindiya ku jirtaa sidoo kalena shacbiyad balaaran ayay daafaha caalamka ku leedahay hadana dhawaan ayay xidigtaan baraha bulshada kusoo biirtay.

Waxaa la ogaaday in filim sameeye Karan Johar uu sabab u ahaa Katrina Kaif inay baraha bulshada kusoo biirto madaama uu u sheegay hadii dunida iyo taageerayaasheeda aysan la fal galin waayaheeda fanka gabi ahaanba bur buri ku imaan doono.

Sidaa darteed Karan Johar oo baqdin galiyay awgeed ayay Katrina Kaif baraha bulshada ugu soo biirtay haatan shacbiyad balaaran ayay si dhaqsi ah ku yeelatay qaybaha kala duwan ee baraha bulshada.

Waxaa la sheegay Katrina Kaif sanadkii hore markii ay ka qayb gashay bandhig faneedkii Dream Team tour eee dalka Mareekanka lagu qabtay cidlo dareentay waayo dhamaan saaxiibadii kala qayb galeen Alia Bhatt, Sidharth Malhotra, Varun Dhawan, Parineeti iyo xidigo kale waxay ahaayeen kuwo baraha bulshada la fal galaan.

Sidaa darteed Karan Johar oo ahaa agaasimihii bandhigaas ayaa Katrina la fadhiistay sidoo kalena cabsi galiyay wuxuuna u sheegay cidlada ay dareemeyso ka bixi karto hadii ay baraha bulshada ku biirto sidoo kalena magaceeda iyo hadal heynteeda sii jiri doonto hadii ay baraha bulshada ku biirto ama ay noqon doono qof la iska hilmaamay!

Sidaa darteed Katrina kuma qasaarin baqdintii uu Karan Johar galiyay madaama ay haatan Faceboob iyo Instagram taageero balaaran mudo kooban ku yeelatay.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment