Kiara Advani Oo Shahid Kapoor kala Soo Muuqan Doonto Filimka Uu Iska Leeyahay Sanjay Leela Bhansali

Bulsha:- Actress Kiara Advani waxay Bollywood-ka ugu soo biirtay filimka Fugly laakiin waxay kusoo caan baxday doorka yar ee ku laheed filimka Sushant Singh Rajput ee M.S. Dhoni – The Untold Story.

Ka dib filimkeeda M.S Dhoni waxaa sanadkaan usoo baxay filimka Machine ee kula wahlinaaya Mustaf Burmawala oo noqday filim Bur Buray laakiin atariishadaan ayaa mar walbo lagu amaanaa bandhigeeda ayadoo mashruuc waa weyn loo soo bandhigaaya.

Waxaana maanta la hadal heeya in atariishadaan Shahid Kapoor kala muuqan doonto filimka uu iska leeyahay Sanjay Leela Bhansali.

DNA ayaana sheegtay in Kiara Shahid Kapoor kala soo muuqan doonto filimka uu maal giliyaha ka yahay Sanjay sido kale waxay sheegtay in Kiara Advani seddax filim la saxiixatay shirkada SLB’s production, Mid ka mid ah uu noqan doona filimka Shahid Kapoor ay la sameyn doonto.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment