Karan Johar: Alia Bhatt Maalin Walba Ayee U Timaada Yash Iyo Roohi Saacado Kooban Ayeena Lajoogta!!

Bulsha:- Karan Johar wuxuu aabo u noqday wiilasha mataanaha ah kuwaaso loo bixiyay Yash Iyo Roohi, inkastoo Karan aad oga murugooday daryeel fiicana siiyay caruurtisa kadib markii uu ogaaday in Caruurtisa ay kudhashteen qaab dhicis ah ama waqtigii dhalmada kasoo hormareen.

kadib Karan mataanihiisa gurigiisa ayuu keensaday asigoo Hospital ka kala soo baxay,hadaba tan iyo markii lakeenay ilmahan guriga waxaaa dhacday in dadka guriga soo buux dhaafiyaan.

maalinwalba waxaa soo booqdaan xidigaan gurigiisa taagerayashiisa kuwa ugu waaweyn, saaxiibadiisa qaaska ah, qaraabadiisa iyo waliba saaxiibada uu ku yeeshtay Bollywoodka.

hadaba Alia Bhatt ayaa noqotay shaqsiga ugu badan ee Karan caruurtisa waqtiga la qaato maadama ay marwalba si joogta ah ula kulantowaqtina ula qaadato.

Alia Bhatt macalinkeeda fanka waa Karan,asiga ayaana soosaray xidigtaan sidaa awged xushmad weyn ayee u heesa waana mida ay ula kulanto caruurtisa waqti walba.

xili uu Karan wareysi bixinayey wuxuu yiri,” caruurteyda ayaa waxwalbo ii ah maanta, waan kufaraxsanahay sida joogtada ah ee dadka iigu soo booqdan guriga.

maalinwalba ayee yimaadan dhamaan asxaabteyda ayagoo doonaya inee la kulmaan caruurteyda,anigana waxaan noqday hooyo guri joogta ah oo kale maadama aan u adeego martida sida anigoo usoo diyaariyo shaah iyo cabitaan.

hooyo iyo aabo ayaan u noqday caruurteyda, aadban ugu faraxsanahay booqashada joogtada ah ee dadka iigu imaanayan, taasi waxaaba kasii daran Alia oo maalin walba u timaada Yash Iyo Roohi ayadoo fadhiisata saacado kooban la joogta caruurteyda.”











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment