Kangana Ranaut Oo Ku Dhawaaqday Filimkeeda Kowaad Oo Ay Director Ka Tahay Teju

Bulsha:- Atirishada awooda badan ee Bollywood-ka ka tirsan Kangana Ranaut ayaa darajo cusub ku tilaabsatay madaama ay si rasmi ah ugu dhawaaqday filimkeeda ugu horeeyo oo ay Director ka tahay waxaana lagu magacaabaa Teju.

Filimka Teju waxaa maal galinayaan shirkada Kangana iska leedahay Manikarnika Films iyo shirkada kale ee lagu magacaabo Shailesh Singh [Paramhans Films] waxayna duubistiisa bilaaban doontaa bisha December ee sanadkaan.

Filimka Teju qorshaha wuxuu yahay in la daawado sanadka dambe 2018 waxayna Kangana ka tahay atirisho kowaad, soo saare iyo Director.

Kangana dhawaan waxay sheegtay inay sameyn doonto kaliya filimada ay iyada iska leedahay waxayna tiri “Mudo 11-sano ayaa fanka ku jiraa waxaan go’aan ku gaaray inaan sameeyo kaliya filimada aan leeyahay mana doonayo inaan dad kale u shaqeeyo”

Shabakada Filimside waxay leedahay nasiib wacan Kangana Ranaut iyo filimkeeda Teju……………………..










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment