Ka Dib Filimka Thugs of Hindostan, Fatima Sana Shaikh Oo Sameyn Doonto Filim Koonfur Hindiya Ah

Bulsha:- Actress Fatima Sana Shaikh sanadkii hore kusoo caan baxdayfilimka Dangal ee Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay ka dib waxay noqatay atariisho caan ah oo si weyn loo baadi goobo.

Waxayna maalmo ka hor loo magacaabay atariishada Super Star Aamir Khan la sameyn doonto filimka Thugs of Hindostan sido kale Mega Star Amitabh Bachchan kula wehliyo.

Haddaba waxaa maanta la shaaciyay ka dib filimkeeda Thugs of Hindostan, Fatima Sana Shaikh waxay sameyn doonta filima koonfur hindiya waxayna la sameyn doonta jilaaga Vijay Devarakonda oo reer Telugu ah sida la sheegaayo Fatima ayaan filimkaan ku matali doonto gabbar Sports-ka jacel maadaam hori nooga yaabsaday bandhigeeda filimka Dangal.

Vijay iyo Fatima filimadooda ugu danbeeyay guul weyn ayuu gaaray Pelli Choopulu Iyo Dangal waxaana filimka director ka noqan doona Tharun Bhascker,

Dhinaca shaqada Vijay wuxuu ku mashquulsan yahay filimkiisa Arjun Reddy oo ah filim jaceyl oo xiiro badan dhinaca kale Fatima Sana Shaikh ayaa isku diyaarineyso doorkeeda filimka Thugs of Hindostan oo kula wehliyaan labada super star ee Aamir Khan Iyo Amitabh Bachchan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment